Ugaas Maxamed Duulane oo Maxkamed Qarsoonid ah la Geeyey

 

Nairobi, May 28, 2012 [ras] Wararka laga helayo xarunta deegaanka Somalida ee Jigjiga, ayaa sheegaya in asbuucii ina dhaafay maxkamed la hor keenay Ugaas Maxamed Ugaas Duulane. In kasta oo wararka ku saabsan arintani aad u kooban yahiin, maadama maxkamadu ahayn mid la sii ogaa, isla markaana ehelada ugaaska iyo dadweynahu ka sii war hayn, ayaa hadana waxaa ila lagu kal soon yahay xaqiijiyeen in maxkamadu Ugaaska ka codsatay in uu qirto danbi, taas oo Ugaasku ku gacan saydhay.

Xogtan ayaa sheegaysa in Intaa ka dib ”maxkamadu” amar ku bixisay in Ugaaska dib loogu celiyo xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga oo loo yaqaano Jeel Ogaadeen oo mudo ku dhow shan bilood lagu hayay.

Ugaas Maxamed Duulane, ayaa bilowgii sanadkan laga soo xidhay magaalda Qabdahar, mana jirto dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay mudadaa jeelka lagu hayay, waxaa si doo kale aan la ogayn sababta rasmiga ah ee ka danbaysa xadhiga ugaaska.

Amarka lagu soo xidahy Ugaaska ayaa la xaqiijiyay in uu si toos ah u bixiyay madaxwayne Cabdi, isaga oo mar Idaacada BBC arintaas wax ka waydiisayna sheegay in Ugaaska loo haysto dacwad dhul ah, taas oo iyada laftigeedu ah jaa’ifo iyo karaamo ka qaad. Sidoo kale webka ku hadla afka Dowlad Deegaanka ee Cakaaranews ayaa faafiyay in ugaaska lagu haysto arin dhul ku lug leh.

Halkan ka aqri qoraalkas: http://www.cakaaranews.com/en/wararka/degaanka/2420-ugaas-maxamed-duulane-oo-ay-maamulka-magaalada-qabdahar-ku-soo-oogeen-dacwad-dhul-hanti-dawladeed-oo-uu-gacanta-ku-hayaykana-dhago-adaygay-ku-celinta-gacanta-dawlada.html

Inkasta oo Deegaanka Soomaalidu horumar la taaban karo ka sameeyay meelo badan, nasiib daro waxaan gabi ahaanba degaanka ka jirin nidaamka cadaalada ee loo yaqaano [judicial system], iyada oo dhamaan hay’adahii amniga iyo cadaaladu gacanta u galeen shaqsiyaad kooban.

rasaasa.com