UDSE: Ilays Dhab ah oo Awood Badanbaa, Dhamaan ka Istaagay Aduunyada

 

UDSE SanDiego, waxay gacmo furan oo wadaninimo ah ku soo dhawaynayaan uguna hambalyaynayaan dhalashada Ururka dhallinyarada Somalida Ethiopia ee ka curtay dalka Canada ee waqooyiga Maraykanka.

Ururka Dhalinyarada Somalida Ethiopia ee magaalada SanDiego, waxay hablayo u dirayaan ururka dhalinyarada dhigooda ah ee dhawaan laggaga dhawaaqay dalka Canada. Waxayna lee yihiin balanteenu waa nabad, midnimo iyo horumarka dalkeena iyo dadkeena.

Dhamaan Ururka UDSE SanDiego Gudiisa fulina iyo golah dhexaba waxaan rajaynaynaa in dhallinyarada u dhalatay deegaankeena ee Somalida Ethiopia in ay ku tashato iskuna baraarujiso siday u xoojin lahaayeen isbadalka cusub ee ka curtay wadankii hooyo. Dhinaca kasta oo loo baahan yahay wax lagala qabto xukuumada Dawlad Deegaanka Somalida iyo ta Federaalka Ethiopia.

Horumarka waxaa aabe iyo hooyo u ah nabad iyo tacab guud.

Maamulka Ururka Dhallinyarada UDSE SD