Mon. Nov 29th, 2021

Walaac tplfMekelle – Todobaadkii hore waxaa gaadhay degaanka Tigray, wafti ka socda ururka TPLF ee dahaadhka EPRDF, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee Arimaha dibada Seyoum Mesfin, ninka ay ku fogtahay falsafada TPLF Abey Tsehaye iyo madixii hore ee hawlgalinta [madaxa Hayyadda shirkadaha ku xidhan TPLF] Sebhat Nega. Waxaa weheliyey waftiga hogaamiyaha TPLF, ahna madaxwaynaha degaanka Tigray Abay Woldu.

Ujeedadda waftigu waxay ahayd in ay bogsiiyaana dareenka karaya ee ka jira Tigray. Shacabka Tigray waxay dareensan yihiin in madaxda TPLF ee dahaadhka u ah EPRDF, hilmaameen dadkii shaqada qabtay, ayna raaxo kaga jiraan Addis Ababa.
Waxaa kale oo ay waftigu waday in ay si gaar ah ula kulmaan duqayda TPLF iyo qoysaska dhalay naftoodhurayaashii ku shahiiday halgankii ay soo gashay TPLF.

Meel kasta oo ay tagaan xubnaha waftiga TPLF, waxay la kulmayeen su,aalo gantaal ka xoog badan oo isku mid ah, oo ah sida Addis Abab u iloowday. Ma jirto lacag hawlgab ah, mana jiro magdhaw la siiyey dadkii ku dhintay dagaalkii Eritrea, sida ay sheegteen dadka Tigray.

Su,aalaha iyo cambaaraynta madaxda TPLF, ee Addis Abab jooga, ayaa hadheeyey socdaalka madaxda TPLF. Sebhat Nega, oo ah ninka ugu dulqaadka badan duqayda TPLF, ayaan bixin jawaab adag, lahaana wax walba oo aad sheegteen waa run waana la sixi. Sebhat Nega, waxaa uu ka hor dagayaa qas ka yimaada Tigray doorashada 2015.

rasaasa.com

By admin