Tolow Xubnaha Kooxda Khaatuma-xun Xageey Cidhibsan

 

Khaatuma-xun oo uu buuggii qabyaaladu ka soo xidhmay, nin baa waxaa uu waa guursaday gabadh ka soo jeeda dadka la yaso ah ninka guursaday ma uusan garanaynin gabadha. Gabadha waxaa hal hays u ahaa erayga ah “hoogaygu waa maalinta uu yimaado nin iyaqaana”.

Saygeedu waligiiba hoos uma eegin wax ay ula jeedo eraygan ay ku soo celceliso wuxuuna isaga qaatay hadal haween. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa reerkii soo maray nin ay ilmo adeer yihiin ooh ore ugu sheegay dad haybsaday in uu yahay dadka la yaso, wuxuuna arkay gabadhii markaas ayey isku soo boodeen wuxuuna sheegay in ay ilmo adeer yihiin, Sidaasina waxaa lagu furay gabadhii.

Waxaan uga dan lee yahay in kooxda Khaatuma-xun iyo maan gaabyada waxa u qora ee uu ugu horeeyo Xuseen Nuur [Xuseen bucuudo] oo isagu u buka in mar uun uu helo magac uusan mutaysanin in kolkii lagu yidhi muddo saddex bilood ka hore ah waxaad tahay Hogaan warfaafineed in uu cir iyo dhulba la qaban waayo arintaas.

Xuseen-Bucuudo, sidda la sheego waxaa uu degan yahay dalka Qadar, sida ay noo xaqiijiyeen Jaaliyaadka Somalida Ogadeeniya ee Qadar Xuseen-bucuul, waxaa uu ka mid yahay dadka ugu tayada xun ee ku nool Qadar. Bucuul oo sida naanaystiisa ka muuqata u muuqda ayaa ah nin aan xishooni oo hadalkana ka bartay af-xumada.

Bucuud waxaa uu wax ku qoraa bogga [cayda iyo cantaro baqashka] ee haleelo, bogaas oo ayna akhrisanin dadka shartfa leh, waxa uu qoro dartiis.

Sida ay sheegayaan warar boggan soo gaadhaya maalintii shalay ayey Jaliyada Somalida Ogadeeniya isugu timid shir dalka Qadar. Shirkaas oo ay dadku isku wargalinayeen dhibaatooyinka ka jira dhulka Ogadeeniya, waxayna dadku istuseen in la xoojiyo halganka ay wado Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo].
Waxaana halkaasi aad loogu ceebeeyey Mr Jwxo-shiil iyo dhibaatooyinka uu halganka Ogadeeniya u soo jiiday, waxaa kale oo ay dadku istuseen in Jwxo-shiil laga jaaseeyo dhibaatooyinka uu u gaystay halganka.

Xuseen-bucuudo oo ka mid ahaa dadkii shirka yimid ayaa waxaa loo ogolaaday bal in uu fikirkiisa dhiibto, waxaase afkiisa ka soo baxay wixii Dameer dabadiis ka soo bixi lahaa. Waxaana dharbaaxo shirkii kaga saaray dhalin yaro aad uga cadhooday garasho xumada Bucuudo.

Waxayna Xuseen-bucuudo ku sifeeyeen wax garadkii goobta shirka isugu yimid in uu la mid yahay tuducda aan ku bilaabay qoraalka.

Cumar Xuuble