Tix Gabay ah oo Loo Tiriyey Jwxo-shiil.

 

Tixdan gaaban ee gabayga ah waxaa loo tiriey Jwxo-shiil, waxaa na soo gaadhsiiye akhriste ka mid ah macaamiisha bogga rasaasa.com. Akhristaha ayaad moodaa in uu la yaaban yahay xishood darida Jwxo-shiil iyo in uu waligiiba ONLF ka macaashayey, kolkii ay macaash beeshayna doonayo in uu Khayaano dawlada degaanka Somalida Ethiopia.

01.  Qada gabay qorshaha loo tirshaba Qaadirkay baraye
02.  Kol haan qiyaastiisa galo iyo quruxda loo sheego
03. Quudhsaday magaan qaawan oon qoyna garanayne
04. Aan qorsheeyo caawana midkay qabatay laabtaydu

05. Jwxo-dii qabiilka u gashay ee Jananku uu qaatay
06. Ee qadafka soo jiiday iyo qoloqolayn reerkan
07. In la qaawiyey noqotay oo qanac la qaataaye.

08. Qaran Jabay hormuud qaadimaa qaadan qaladkiise
09. Qorshahaba ninkaan kuugu jirin yuu hogaan qabane
10. Qalad neefki kugu soo galaa, qoonsimaad dhaliye

11. Qawlaystadii Jwxo-shiil, way kala Qaxaayaane
12. Qasadkoodi hore baa ahaa maal in ay qabane
13. Kolkuu Saalax kala qaaday baa qoodhahood Jabaye

14. Xornimo in ayna qooqaarihayn waanigii qiraye
15. Qabiil shiriye Qaaraan naf bide qubad wanaag moode
16. Janankaa qawaafaa lahaa doollar baad qabane,e

17. Kolkay kala qubteen wiilashii uu ku qarafaystay
18. Qoqobka uuma meereen heshiis aan qiimo galinayne
20. Tolkii kuma qadhaabteen wanaag uusan soo qabane

21. Qawl hadii u leeyahay iyo wanaag oos wax qiranaayo
22. Ama qiima garanaayo iyo Abaal aadmi kala qaato
23. Qabiil kuma dileen  wiilashii samaha quudsiiyey

24. Haduu qiimo leeyahay duqani ma anaan qooneene
25. Qumanidiyo wanaagii tolkaba waysagii qubay
26. kolkuu beeshii kala qaaday buu qaamudkii galaye

27. Bal muu qoomameeyoo mar dhigo Jwxo qadafkeeda
28. Doqontaan qancayn qiiq kolkuu fuuq ka soo qube,e
29. Qorshihiisu waa maal ka qabo yaan qof kaa tagine

30. Qoonki kugu qaldamay raacid  way kala qaxaayaane
31. Qoomamiyo Qamuunyey qabaan qaadan kari waaye
32. Qosol uma furnoo qaadan waa bay isla qariyaane

33. Sayyidkaa Qarfaha meeray oo qori ka soo waaye
34. Waa maxay qorsha aad wadee Kenya kugu qaaday
35. Qufac iyo qabow kugu dhaca oo laggugu qaad qaadye
36. Ma Jabhadaaad qasaaraha badaad qaraf ka sii raadin.

 

rasaasa.cm