Tiibaa iyo Amaadin oo In Yar Kaga Baxsaday In Ay Unuunka Is Jaraan

 

Garrissa, June 6, 2011 [ras] – War aanu kol dhaw ka helay magaalada Garris ee dalka Kenya, ayaa sheegay in laba ka mid ah kooxda Jwxo-shiil, ay in yar kaga baxsadeen in ay unuunka is jaraan.

Labada nin ayaa dagaalkoodu ka kacay lacag $500 ah oo Dubai uu ka soo xawilay Xuseen Nuur [Bacuuda].

Lacagtaas oo ay kooxda Jwxo-shiil, ugu talo gashay afar dambiile oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, oo shalay uu xidhay booliska dalka Kenya, ka dib kolkii ay  weerar ku qaadeen goob ay ku shirayeen guurti ka soo jeeda Jubooyinka magaalada Garrissa. Weerarkaas oo dhaawac xun lagu gaadhsiiyey saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii shirka ka qayb qaadanayey, oo mid ka mid ah haatan aad uu liito.

Lacagtan oo ahayd dhiiri galin dambi, ayaa lagu xawilay shirkada ka mid ah shirkadaha xawaalada. Lacagta oo lagu hagaajiyey Amaadin, ayuu Tiibaa  damcay in uu xoog kaga qaato isaga oo u aaba sheegtay Amaadin.

Labadan nin ayey ku kala hagoogteen dad joogay xasiifka xawaalada, waxayna isugu dhaarteen in ay Garris wada joogaan.

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa waxay ka wadaa magaalada Garrissa dambiyo keeni kara in magaaladu ay noqoto meel laga cararo.

rasaasa.com