Teshome Toga: Safiirka Ethiopia u Fadhiyi Doona Brussels

 

teshomeSafiirka cusub ee Ethiopia u fadhiyi doona Brussels, ayaa gudbiyey waradihii aqoonsiga ee safiirnimo.

Magacaabista Teshome Toga, ayaa timid ka dib, kolkii uu booqday Brussells Raysalwasaare Atoobiya Hailemariam Desalegn April 2013.

Xiligaas oo ay kulmeen R/saare Hailemariam Desalegn iyo madaxwaynaha ururta barwaaqo sooranta Yurub José Manuel Barroso.

Mr. Toga, wuxuu safiir ka ahaa Faransiiska, waxaana uu ahaa nin ayna xidhiidh wanaagsan lahayn Meles Zenawi iyo Azeb Mesfin midna.

Mr. Toga, ayey aad isu dhaw yihiin R/saare Hailemariam Desalegn, isku xisbi iyo isku degaana ay ka soo wada jeedaan, in kasta oo uu la qabiil yahay Mengistu Hailemariam (Walaynto).

Tani waa magacaabidii kowaad ee Hailemariam Desalegn, awoodiisa isticmaalo intii uu noqday R/saaraha dalka Atoobiya June 2012.

Xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhaxeeya ururka TPFL, waxaa kordhinaysa fursada awoodeed ee Hailemariam Desalegn iyo garabaysiga qoomiyadaha awooda leh ee xukuma Atoobiya.

Safiirkii hore ee Ethiopia u joogay Brussels Kassu Ylala, oo ka soo jeeda qoomiyada Tigray, ayaa ka mid noqday tobanka la taliye R/saaraha ee aan awood lahayn.