Telefishinka ESTV oo Hawada ka Maqan

 

Telefishinka Degaanka Somalida Itobiya ESTV oo ka baxa Satellite Hotbird ee laga daawado dalalka Yurub, ayaa hawada ka maqan.

 

Telefishinka ESTV, oo ka bax dhawr satellite, ayaa laga daawadaa dhamaan qaaradaha aduunka, kaas oo wax wayna ka badalay fahamka ay ka qabi jireen degaanka, qurbo joogta u dhalatay degaanka Somalida.

 

Waxaa xaqiiq ah in uu ku baxo kharaj badan ESTV, taas oo ay ugu wacan tahay kiraysashada Setellite-yada farah badan, si loo gaadhsiiyo qurbo joogta u dhalatay degaanka Somalida ee ku kala nool aduunka.

 

Maqnaansha ESTV, uu ka maqan yahay hawada, ayaa aad looga dareemayaa dalalka Yurub, sii maqnaantiisuna waxay noqon indho beel.

 

 rasaasa.com