Taliyihii Jeel-Ogadeen oo Jeelka la Dhigay

 

Jeel-OgadenJijiga, May 22, 2014 – War deg dega oo hadan naga soo gaadhay magaalada Jijiga ayaa sheegay in xabsiga la dhigay taliyihii ciidanka ilaalinta xabsiyada Kornayl Maxamed.

Gaashaanle dhexe Maxamed ayay ciidanka Liyuu Boolisku gurigiisa kala baxeen saqdii dhexe habeenkii Arbacada 21/05/2014.

G/ dhexe Maxamed waxaa lagu xidhay hadal uu ka jeediyey xaflad lagu siidaynayey maxaabiis 2,170 ah oo dhawaan laga sii daayay Jeel-Ogadeen. G/dhexe Maxamed waxaa khudbadiisa ku jirtay ”waan ka xumahay dhibaatadii idin gaadhay intaad xabsiga ku jirteen.” “intaad xabsiga ku jirteen waxyeelo badan baa idin gaadhay, raali naga ahaada.”

Hadalka uu taliyuhu jeediyey, ayaa ahaa mid calooshiisa ka soo go,ay, taas oo keentay in xabsiga la dhigo.

Arintani waxay ka mid tahay dhaqanka ka jira degaanka Somalida Atoobiya in ruuxba mar la dhigo Jeel-Ogadeen sabab la,aan.