Taliyihii Booliska Degaanka Somalida Ethiopia oo Loo Magacaabay in uu Noqdo Taliyaha Booliska Godey

 

Jijiga, Apr 16, 2012 [ras] – War ka soo baxay hogaanka nabad galiyada iyo cadaalada degaanka Somalida Ethiopia, ayaa sheegaya in taliyaha guud ee   Booliska degaanka Somalida loo magacaabay G/Sare Maxamed Cali Xasan.

Taliyihii hore ee Booliska degaanka Somalida S/guuto Yuusuf Maxamud Muuse [Yuusuf Jalaale] ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha booliska ee gabalka Shabeele [Gode].


Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in isku badal lagu sameeyey saraakiil door ah, in kasta oo aan la soo saarin taxa magacyada saraakiisha xilalka la isu waydaariyey ee booliska degaanka Somalida.

Taliyaha cusub ee Booliska gabalka Shabeele [Godey] Yuusuf Maxamud Muuse [Jalaale] waxaa uu ka mid ahaa labo sarkaal oo la siiyey dhawaan darajada sareeye guuto. Kuwaas oo ahaa Cabdi Aaden Waris iyo Yuusuf Maxamuud Muuse.
Qoraal lagu qoray bogga Internet-ka ee ku hadla afka dawlada degaanka, ayaa lagu sheegay darajada Yuusuf Maxamuud Muuse [Jalaale] G/sare.
Isku shaandhaynta lagu sameeyey saraakiisha Booliska degaanka Somalida Ethiopia, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin. 

rasaasa.com