Taabogalinta Atobiya, Gooni Isutaaga Somaliland

 

eastafricaJune 13, 2014- Xidhiidhka u dhaxeeya maalmulka Somaliland iyo Atobiya oo lagu macneeyey in uu la mid yahay midka u dhaxeeya labo dal [sovereignty nations] oo leh xidhiidh wanaagsan.

Maamulka Somaliland, oo sheegtay in uu ka go,ay dalka Somaliya, ayaan wali wax aqoonsiya ka helin dunida, marka laga reebo Atobiya oo hoos u aqoonsan, laakiin aan wali soo bandhigin.

Atobiya in ay kala goyso Somaliya waa ka go,aan, laakiin qadyada Ogadenia ayaa  hortaal. Taas oo ah sababta ugu wayn ee ay u rabto kala goynta Somaliya, iyada oo filaysa in burburka Somaliya uu xalaalayn karo qadyada Ogaden.

Ogadenia sharciyan kama tirsana Atobiya, xadka u dhaxeeya Somalida Ogadenia iyo Jamhuuriyada Somaliya waa xad ku meel gaadh ah [professional border]. Kaas oo la sameeyey sanadkii 1941, Atobiya wali uma helin sharciyad lagu xalaaleeyo xadka.

Xukuumada xiligan ka arimisa Atobiya, siyaasada ay ku wajahayso Somalida, way ka duwan tahay, ta dawladihii hore ee Atobiya, kula dhaqmi jireen Somalida guud ahaan. Gabalka Ogaden, waxay Atobiya siisay magaca gabalka Somalida, ujeedada ka dambaysana, waxaa lagu dhagrayaa Jamhuuriyada Somaliya.

Si ay dhagarta Somaliya u hirgasho, Atobiya waxay isticmaalaysaa dad Somali ah oo isugu jira kuwa ay gumaysato iyo Somalida xorta ah.

Sida laga helay diiwaanka arimaha dibada dalka Atobiya, xidhiidhka Somaliland iyo Atobiya wuxuu bilowday sanadkii 2000, ka dib kolkii Maxamed Xaashi Cigaal booqday Addis Ababa, oo dib loo cusboonaysiiyey axdi hore ugu yiil dawladii Dergue iyo SNM.

H.E Cornel Berhanu BayehDukuminti uu saxiixay wasiirkii arimaha dibada ee Dergue Colonel Berhanu Bayeh, oo laga helay galka kaydka arimaha dibada Atobiya [ministery of foreign affairs], waxaa ku cad balanqaad Atobiya ay siisay Somaliland, sidii ay uga go,i lahayd dalka Somaliya. Waxaa kale oo dukumintiga ku cad in Ogaden, oo ayna ku jirin Jijiga iyo Hawd ay bixiso Atobiya hadii ay Somaliya ogolaato. Heshiisku wuxuu ka dhacay magaalada Dire Dawa July 1987.

Cigaal, wuxuu xoojiyey hadafka iyo heshiiska ay hore u wada galeen SNM iyo Dergue. Heeshiiska Somaliland iyo TPLF 2000, wuu ka gadisan yahay kii Dergue iyo SNM [Cabdiraxman Tuur] ku dhex maray 1987 Addis Ababa. Waxaa ka mid ahaa in Somaliland ka qaybqaadato buburinta Somaliya, taas oo ah wadada ay u marayso go,ida. Qodobka ugu muhiimsan wuxuu ahaa in Atobiya noqoto dalka 2aad ee aqoonsada Somaliland madaxbanaanideeda.

Tuur 1Waxaa xusid mudan in heshiiska 1987, uu markii dambe Cabdiraxmaan Tuur [Raxima Laahu] ka qoomameeyey in uu la galo heshiis noocan ah Atobiya.

Heshiiska qarsoon ee wada galeen Atobiya iyo maamulka Somaliland, Meles iyo Cigaal sanadkii 2000, waxaa ka mid ahaa;
In wakiilo ay isdhaafsadaan [Addis Ababa -Hargeasia]
In Atobiya ay ilaaliso nabadgaliyada Somaliland
In tababar ay siiso ciidamada Somaliland,
In Somaliland laga caawiyo waxbarashada iyo ganacsiga.
In Atobiya ay isticmaasho dekada Berbera iyo in sirdoonka Atobiya joogto u joogo.

Atobiya, waxaa kale oo ay siisaa tababar diblomaasiyiinta iyo saraakiisha sir doonka Somaliland. Deeq waxbarasho iyo in manhjaka [curriculum] Somaliland lagu daro luuqada Xabashiga, si loo kordhiyo isdhexgalka bulshada.

Dhinaca diblomaasiyada caalamiga ah, Atobiya waxay siisaa damaanad dhinaca diblomasiyiinta maamulka Somaliland. Waxayna ku dhoofi jireen siyaasiyiinta Somaliland, Atobiyan Diplomat Baasaboorka, ka hor inta ayna samaysan Baasaboorka.

Safaaradaha Atobiya, waxay si dhaw ula shaqeeyaan wakiilada Somaliland. Atobiya shuruud la,aan waxay warqada dal ku galka saartaa Baasaboorka Somaliland, ee aan dunida laga aqoonsanayn, iyada oo raacisa lifaaq wasaarada Arimaha dibada Atobiya.

23 sano ka dib maamulka Somaliland, wuxuu Atobiya ka haystaa aqoonsi gaar ah, laakiin ma jiro hal dal oo aqoonsaday. Arintaasi waxay ku haysaa maamulka iyo shacabka Somaliland niyada jab, waxayna Atobiya saareen culays cusub. Walaacan cusub, waxaa keenay soo laabashada Somaliya iyo aduunka oo aan diyaar u ahayn go,ida Somaliland.

Maamulka Somaliland, bilihii sanadkan ugu horeeyey, wuxuu dalbanayay in Atobiya ay siiso aqoonsi caalami ah, maadaama uu xidhiidh wayn iyo balanqaad u dhaxeeyey muddo dheer. Arintaas oo Atobiya ay jeceshahay, laakiin ayna xiligan ku dhiiran karin.

Hadaba, codsiga Somaliland iyo wadahadalkii ugu dambeeyey ee si hoose u dhexmara Atobiya-Somaliland wuxuu ka dhacay Harar March 2014. Atobiya waxay soo bandhigtay cabashooyin iyo qorsheyaal cusub oo ay ka mid yihiin Ogaden iyo ONLF, culayska ka saaran Somaliya. Waxaa kale oo ay Atobiya ku cabatay in awood aan lagu talo galin oo ah ciidanka Liyuu Booliiska ay ku soo koradhay.

Qorshaha iyo talada cusub ee Atobiya jeedisay; waxay ahayd in furin colaadeed oo cusub laga furo gabalka Bakool, Somaliya, ka dib kolka la galinayo ciidanka Liyuu Booliska. Halkaas waxaa abuurmi furasad colaadeed oo u dhaxaysa beelaha Hawiye, Raxan-wayn iyo Ogaden. Waxaa kale oo abuurmi siyaasad cakiran oo ka dhexdhalata siyaasiyiinta Somaliya, taas oo ilowsiin doonta siyaasiyiinta Somaliya aqoonsi ay Atobiya siiso Somaliland.

Hindisahan waxaa soo keenay wakiilka dhinaca nabadgaliyada Atobiya u qaabilsan Somaliya [Gabre]. Wakiilku wuxuu yidhi gabalka Bakool, wuxuu xad la leeyahay, gabalka Afdheer waxaana degan beesha Ogaden labada gabalba.

Maamulka Somaliland, waxaa uga qaybgalay fadhiga March Harar, ka dhacay Xirsi iyo Saleebaan-gaal.  Maamulka Somaliland wuxuu ku qancay hindisaha cusub oo ah”gubadkaan gubidoono”, waxayna uga mahad celiyeen wanaaga ay Atobiya u hayso Somaliland. Waxaa kale oo ay uga mahad celiyeen abaalka ay Atobiya u gashay 1988, ee dejintii dadkii qaxootiga ahaa, kuwaas oo ay Jabouti diiday.