Suurto Galnimada iyo Dhamaystirka Aragtidda Siyaasadeed ONLF

 

Faallo:  Jabhada ONLF, 27 sano ka dib waxay qaadatay nabad, dibna waxay ugu laabatay deegaanka Soomaalida Ogadeeniya. Hogaaminta iyo taageerayaasha ururka ayaa si kalsooni leh loogu soo dhaweeyey Addis Ababa iyo magaalo madaxda deegaanka Soomaalida Ogadeeniya ee Jijiga.

1991, kolkii ay dhacday dawladii shuuciga ahayd ee Mengistu Hailemariam, ONLF isla bishan oo kale waxay ka dagatay Addis Ababa, iyada oo aan heshiis galin sidan si la mid ah ayaa loogu yeedhay in ay ka qayb galaan dawladnimada.

Xiligaas isaga ah ONLF, waxay ku guulaysatay doorashadii 1993, ka dhacday Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Soomaalida Ogadeeniya. Sagaal bilood ka dib ONLF, waxay itoobiya ku qaaday weerar sanadkii 1994.

Haatan, Itoobiya waxaa ka dhalatay dawlad cusub, oo muujinaysa in ay furfurayso siyaasad dabacsan qabana doonto doorsho dadwayne oo xor ah. Dawladan cusub, waxay ugu yeedhay dhamaan ururada mucaaradka ee mucaaradka in ay dalka yimaadaan kana qayb qaataan dhismaha dalka iyo siyaasadaba. ONLF, ka mid ma ahayn ururada mucaaradka ku ahaa dawlada, laakiin gobonomo doon la dirira Itoobiya weeye.

Itoobiya 27 sano ee u dambeeyey waxaa ka jiray cadaadis iyo xad gudubyo badan oo loo gaystay dadwaynaha.

Dhinaca, kale waxaa Itoobiya ka jira haatan colaado qoomiyadeed iyo siyaasado is diidan oo u dhaxeeya xisbiga talada dalka kaligiis haya, waxaa jira oo kale jira ururada siyaasadeed oo diidan xisbiga oo dalka hore u maamulayey.

Colaadaha iyo cadaawada waxaa sii hurinaya hab-dhaqanka dawlada cusub oo ficilkeeda iyo hadalkeedu kala duwan yihiin. Dawladu waxay ku baaqday is-cafis guud, dhinaca kale waxay wadaa olole ay ku baacsanayso siyaasiyiin iyo ganacsato lagu eedaynayo xad gudubyo iyo musuqmaasuq. Dawladu waxay ku jirtaa is-difaac iyada oo ka cabsanaysa in ciidamada iyo siyaasiyiintii hore in xilka hunguri ka galo.

ONLF: Halganka ay waday ONLF, waxaa uu ahaa halgan shacab oo ay ujeedadiisu ahayd gobonimo. ONLF iyo dawlada cusub ee Itoobiya midna ma sheegin waxa ay ku heshiiyeen, mana dhicin wax saxiix ah.

Hogaaminta Jabhadu, waxay in badan ku celcelinayaan midnimo, Soomaalinimo iyo xuquuqda ay si nabad ah ku raadinayaan. Afka ay ONLF, ku hadlayso wuu ka badalan yahay dhismaha, jiritaankeeda iyo hadafkeeda guud oo ah gobonimo.

Sidaas daraadeed dadwaynaha deegaanka Soomaalida Ogadeeniya, waxay fahmi la,ayihiin waxa la qarinayo iyo sababta loo qarinayo maadaama uu halganka ay ONLF wado yahay halgan shacab.

Itoobiya waa dawlad gumaysi, si sharci daro ahna ku qabsatay kuna haysata deegaanka Soomaalida Ogadeeniya. Xiligan casriga ah ee lagu jiro aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Itoobiya ee wanaaga jecel way ogyihiin taariikhda gabalkan colaadnacidna dan uguma jirto. Xiligii cidhiidhiga iyo ismuquunintu dunida wuu ka soo dhamaaday. Dhinaca kale gabalka Ogadeeniya waa gabal qani ku ah saliida in Itoobiya bilaash ku bixisana way adagtahay, wayna fududahay in ay bixiso waayo waxay noqon arin caalamiya oo ay cid waliba hunguriyeyso.

Siyaasiyiin badan baa waxay aaminsan yihiin in biyo laysu mukhuursan yahay oo labo sano gudahaood colaadi bilaaban, qaar kale waxay aaminsan yihiin in ONLF ay adagtahay sida ay isu abaabusho, waxayna Itoobiya isticmaali doontaa lacag iyo qabyaalad wada jira, taas oo meesha ay Soomaalidu ka nugushahay.

Waxaa fiiro gaar ah mudan in hogaaminta maanta ee ONLF ayna ahayn hogaamintii 1993, dhinaca mabaa,diida iyo dhinaca da,ad midna. Ismaamulka deegaankuna in uusan ahayn kii 1993, waxayna wax waliba kuxidhan yihiin isfahamka dhexmara Ismaamulka deegaanka, ONLF, beelaha iyo is calool xaadhasho guud. Koox ama beel khilaaf galo waxay badali karaan hadafka guud ee danaha Soomaalida.