Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Xuseen [cali-dheere], oo ay Gacanta ku Dhigtay Atoobiya.

 

Sulub Abdi abducted in NairobiDubai, Jan 27, 2013 – War laga soo xigtay bogga ku hadla afka dawlada degaanka Somalida Atoobiya, ayaa cadeeyey in ay gacanta ku dhigeen Sulub Cabdi Axmed iyo Cali dheere oo ka tirsan golaha dhexe ee ONLF. Wargayska ayaa sheegay in xubnahan la qabtay iyaga oo u talaabaya xadka Atobiya. Wargayska ayaa sheegay in loo malaynayo in ay doonayeen in ay is dhiibaan.

Warbaahinta ONLF, ayaa sheegtay in Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Xuseen [cali-dheere] laga qabtay Narobi Jan 26, 2014, halkaas oo ay kaga qayb galayeen wadahadalo nabadeed oo u dhaxeeya Atobiya iyo ONLF.

ONLF, ayaa war warsaxaafadeed ku sheegtay in labadan xubnood laga af duubay Nairobi, loona qaaday Atoobiya. Arintaas oo ay ku sheegeen in uu yahay khalad caalami ah.

Hore ayaa xubno ONLF ah, looga qabtay Puntland, kuwaas oo markii dambe sheegay in qabashadoodu ay ahayd sax, kuna biiray maamulka degaanka Somalida Atoobiya.