Suldaanka Gabalka Qoraxey Suldaan Bashiir, Ugaas Sakariye iyo Wafti ay Hogaaminayaan oo Booqasho ku Jooga Dalka Maraykanka

 

August 2, 2010 – Wararka naga soo gaadhaya cariga Maraykanka ayaa waxay sheegayaan in wafti balaadhan oo isugu jira Salaadiin, Ugaasyo iyo waxgarad kale in ay booqasho ku joogaan dalka Maraykanka.

Waftiga ayaa ka tagay dalalka Yurub, iyaga oo ku sii jeeda waqooyiga Maraykanka, si ay ula kulmaan hogaamiye dhaqameedyada ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, ee degan waqooyiga Maraykanka, si ay uga wada xaajoodaan arimaha suluxa nabada ee socda.

Suldaanka gabalka Qoraxey Suldaan Bashiir Suldaan Maxamuud Haybe iyo Ugaas Sakariye Maxamed Cumar Ugaas ayaa waxay booqasho shaqo ugu kicitimeen Jamcihii dalka Maraykanka iyaga oo ay la socdaan hogaamiye dhaqameedyo dhawra.

Ujeedada socdaalka cuqaasha ayaa ku salaysan wadahadalada nabada ee u dhaxeeya Jabhadaha iyo dawlada Itobiya. Cuqaasha dhaqanka ee dhulka Somalida Ogadeeniya ayaa soo dhaweeyey nabada u dhaxaysa labada dhinac.

Cuqaasha ayaa waligoodba waxay raadinayeen nabad ka dhacda dhulka Somalida Ogadeeniya, nasiib daro waxay cuqaashu ku tilmaameen madax adayg ay muujisay ONLF, marar hore oo ay odayaashu isku dayeen in ay nabad ka dhex dhaliyaan Jabhadaha iyo dawlada.

Guurtida cuqaasha ayaa xiligan balan ku qaaday in ayna ruuxna kaga haybaysanaynin sidii ay midho dhal u noqon lahayd nabada hada socota, ayna ka daaleen dibad joognimada iyo dhibaatooyinka haysta ummada ay hogaamiyaan.

Cuqaashu waxay sheegeen in xiligan ay diyaar yihiin hogaamiyeyaasha dhaqanka ee dhulka Somalida Ogadeeniya gude iyo dibadba, ayna keeni doonaan isbadal wayn oo nabad ah, kol hadii uu ururkii ONLF qaatay nabad in dhamaystirka ay iyagu leeyihiin.

rasaas.com