Suldaan Ibrahim Suldan Adan oo Sheegay in Magaciisa Laga Tiray Liiska Shirka Odayaasha DKM Somaliya

 

Jijiga, May 20 2012 – Waxaa hore boobka ugu sameeyey cuqaasha degaabka Somalida dawlada haatan ka jirta degaanka Somalida Ethiopia, oo u xidhan yihiin Ugaasyo Dhawra, Suldaan Ibrahin wuu nasiib badan yahay kol haduu afkiisa ummada Absame ugu gudbinayo khaladka laga galay.

Cabashada Suldaan Ibrahin ayaa sidan u qorayd: Waxaan ahay Suldaan Ibraahim Suldaan Aadan Geedi Suldaanka Bartire ee Soomaaliya, waxaana asal u ahay ina suldaan, Suldaan Adan Gedi oo ah aabahay wuxu la soo shaqeyey saladiinta Absame ee Somalia sida Sudaan Cali Sokor “maxamad Subeer’ Suldaan Qorane “Cawlyahan”, Suldan Nageye “muqabal” iyo saldiin kale oo absame, iyo weliba saladiinta darood ee koofurta Somalia.

Waxa mucjiso, filinwaa iyo amakaag noqotay in aniga oo marti u ahaa dawladda KMG Somalia, si aan uga qeyb galo shirka salaadiinta somaliyeed, in rag Bartire sheeganaya oo ka yimid Galbeed, Jigjiga, Ethiopia oo ay ka mid ahaayeen Cabdulaahi Dool “dool ableele” oo ah wasiir-xigeen Dowlada kumeelgaarka ee Somalia iyo Cabdi xasan kokala oo 80 jir ah ay ku dhiirradeen in ay magacayga iyo martabadayda ka tiraan liiskii salaadiintii soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa ama asalka ahaa ee shirka Somalia ka qeyb galayay, ayaga oo adeegsanaya awoodda xileed ee wasiirnimo ee Ina Dool ableele dawaladda Somalia u hayo, kuna badeleen magacayga oday waayeel 80 jir ah oo aan anigu suldaankiisa ahay.

Waa dheygaag in shaqsiyaadkaa Jigjiga iiga yimid ay ku dhiiradaan in si barer ah u wasakheeyaan sharafta, xurmadda, karaamadda, jiritaanka iyo haybadda beesha Bartire ee soomalia.

Shaqsiyaadka ku dhiiraday in ay baabi’yaan, tirtiraan, wasakheeyaan suldaan beeleed suldaan nimadiisa oo beeshiisu hawl ugu maqan jawaabteeda waxa loogu fahadhiya inu bixiyo Garaadka bartire “Garadka Maxamud Garad Dool Garad Xirsi”, waayo shakhsiyaadkaa xagiisa ayay nooga yimaadeen.

Ma dhici karto in rag xagayga ka yimid in ay tagaan jigjiga oo ay ku dhiiradaan yiraadaana garaadka Bartire kan ma aha ee waa kan anaaga aan wadno, waa magac dil mana aqbali doono waxaas.

Garaadka Maxamuud Garaad Dool iyo dhamaan bartiraha galbeed waxaan uga fadhiyaa in Cabdi Xasan kokakola iyo Cabdulahi “in dool ablela” jawaab deg deg ah ay iga siiyaan, warqadda ay meesha geeyeen, farahana kala baxaan beesha.

Dawladda Somalia markaan weydiinay, magaceyga waxa beddelay waxay si cad u sheegeen in Ina Dool ablela dawladda fartey inu usoo gudbiyo suldaanka asalka ah ee Baritre, markaa ayuu gudbiyey, asaga oo cabd xasan kookakola la tashaday, odayga waayeelka ah oo aan suldaankiisa ahay, oo hadda magaceyga bedelkiisa meesha ku fadhiya doonayana inu shirka sidaa ugu qeyb galo, aniguna banaanka ka ahaado, ayada oo la adeegsaday awooda wasiirnimo ee ina Dool ablela iyo talada cabdi kokakola.

Garaadka iyo beesha Bartire iyo aqoon yahanka Bartire meel kasta uu joga waxaan ugu fadhiya jawaab degdeg ah inay ka bixiyaan fadeexadan, maxkamadna isoo taagaan labada dambiile, ee colaad ka dhex hurinaya Bartire, Saladiinta Absame ee loo xilsaaray arrintan waxaan ayagana ka sugaya go’aankooda ku aadan ku xadgudub suldaan.

Madaxweynaha, Ra’sulwasaraha, Ra’sul wasaare ku xigeenka ee dowladda Somalia oo ayaguna arritaan wadar jeer la horgeeyey, lagu wareejiyey documents caddeynaya asalnimada suldanimadeyda, garwaqsadeyna, ballan qadeyna in aysan raalli ka noqon doonin khaladkan iyo fadeexadan , ayaguna waxaan ugu fadhiya ballan qaadkooda inuusan noqon AF ! ee ficil ku aadan la hela.

Suldaan Ibrahim Suldaan Adan Gedi

FG. Boobka Cuqaashu wuxuu si cad uga jiraa degaanka Somalida Ethiopia, marka la yaab ma leh hadii Jijiga laga diray rag cuqaalnimada ka booba cuqaasha dalka Somaliya. Waxaanse ku talin lahayn in Suldaan Ibraahin muquuninta laga daayo, labada nin ee Jijiga laga dirayna ha ka xishoodaan boobka cuqaasha ee ay ku duuleen.

rasaasa.com