Somalida Kenya oo Cabsi Weyn ka Qabta in uu Saamayn Ku Yeesho Qaraxii Shalay

 

Dadka Somalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay cabsi dhinaca amaanka ah, ka dib kolkii uu qarax ka dhacay shalay beer weyn oo ku taal Nairobi.

Qaraxani ayaa waxa uu yimid, ka dib kolkii dad fara badan oo dibadbax dhigayay iyaga oo ka soo horjeeda in wax laga badalo dastuurka dalka Kenya u degan bambooyin lagu weeraray.

Waxaa ku geeriyootay inta la ogyahay 5 ruux halka dhaawacyadu ay kor u sii dhaafayaan 80-ruux iyadoo loo kala qaaday dadkaasi Isbitaallada Kenyata iyo Nairobi Hospital.

Waxaa saaka lagu soo waramayaa baaritaan la xidhiidha qaraxaasi in uu ka socdo nawaaxiga goobta lala beegsaday, iyadoo aan la ogeyn cida ka dambeysa qaraxaasi.

Dadka Somalida ah ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa cabsidooda waxaa ay la xidhiidhaa howlgalada baadhitaanka in ay ku lug yeeshaan dad Somali ah.

Somalida degan dalka Kenya ayaa marar badan waxaa saameyn ay ku yeesha dhibaatooyinka ka dhaca gudaha dalkaasi.

Waxaa kale oo caada u ah dalaka Kenya in la yidhaahdo wixii xunba loo riixo xaga Somalida iyada oo aan loo kala eegin ku dhashay iyo dadka Somalida ah ee Qaxootinimada ku jooga dalkaasi, waana arintaas mida keenaysa cabsida xooga leh

rasaas.com