Socdaal Deg deg ah oo Madaxweyne Cabdi ku Tagay Godey iyo Qabridahare

 

Jijiga, May 21, 2012 [ras[ – Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka amaanka ee dawlada wadaaga ayaa waayadanba socdaalo ku marayey gabalada hoose ee degaanka Somalida Ethiopia. Saraakiisha ayaa u kuur galayey xogaha amaan ee ka jira degaanka Somalida, ka dibna waxay saraakiisha shir albaabadu u xidhan yihiin kula qaateen maamulka degaanka magaalada Jijiga maalintii Jamca waana arinta keentay safarka deg dega ah ee Madaxweyne Cabdi.

Safarka Cabdi ayaa loo samabaynayaa in ay saraakiishu ka dambeeyaan, lana faray in uu wax qabto dhibaatooyin amaan daro oo ay shacabka ku hayaan ciidanka booliska gaarka ah.

Ciidamada Booliska gaarka ah, ayaa shacabka degaanka Somalida fara kulul ku haya, iyaga oo dhibaatooyin u gaysta dumarka, xoogna kaga qaata jaadka iyo sigaarka ganacsatada yar yar ee gabalada degaanka Somalida Ethiopia.

Ciidamada Booliska gaarka ah ayey ciidamada milatariga dawlada dhexe xoog kaga rareen fadhiismo ay ku lahaayeen gabalada qaar, ka dib kolkii ay dadweynuhu geeyeen cabashooyin badan.

Booliska gaarka ah ayaa marka la waydiiyo waxa ay u samaynayaan khaladaadka faraha badan ku dooda in loo sheegay in ay sameeyaan waxa ay samaynayaan, waxaan iswaydiin mudan waa tee cida amarka siisa?

Nabad galiyo buuxda ayaa ka dhalatay degaanka waxayna ahayd in ciidanka booliska gaarka ah dhaqan celin iyo tababar dhinaca anshax oo ay kula dhaqmaan dadweynaha.

Dhinaca kale waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya taliyihii hore ee booliska degaanka general Jalaale iyo madaxweyne Cabdi, oo ay haatan ku kala dhex jiraan masuuliyiin dawlada dhexe ah.

rasaasa.com