Siyaasiyiin ka Soo Jeeda Gabalka Shiniile oo Digniin u Diray Atoobiya

 

Siyaasiyiin ka soo jeeda gabalka Shiniile oo jooga Addis Ababa, ayaa waraysi ku sheegay in ayna marna ogolaan doonin in Canfar ay qaadato dhul Soomaaliyeed. Siyaasiyiintan oo gude iyo dibadba isku xidhan ayaa sheegay in ay dacwad ka wadaan Addis Ababa isla markaasna ay garyaqaano u dhashay gabalku ay dacwado ka wadaan dibada.

Waxay sheegeen in ayna dawlada degaanku shaqo ku lahayn bixinta degmooyinkaas, laakiin ay qayb ka tahay xadhiga lagula kacay odayaasha beesha Ciise.

[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/wp-content/uploads/2014/12/adencawale.mp3]