Sir: Kooxda Jwxo-shiil, oo Ujeedadoodii Dhabta Ahayd ee Sireed Saaka la Helay

 

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa imbadan la garan la,aa waxa ku khalifaya khaladka ay ka galayaan halganka iyo burburka aan naxariista lahayn ee ay ku hayaan. Waxaase baryihii dambe soo ifbaxayey in kooxdu ay ganacsi u rogtay halgankii, kana dhigtay N/hurayaashii adoon uga fala beeraha Eritrea. Isla mar ahaantaasna dadweynihii halganka taageeri jiray ka gurtaan qaaraan aan waxba lagu qaban qaybin mooyee. Waxaad fahmi doontaan marka aad akhridaan sheekooyinka ku qoran e-mailada.

Hadaba waxaan maanta helay Sir culus oo ku sabsan Ganacsi ay ku shuraako yihiin xubnaha kooxda Jwxo-shiil oo Dukaamo kaga kala furteen DUBAI dukaan dahable ah oo uu wakiil uga yahay Ilyaas Afwarnle iyo SOUTH_AFRICA Bakhaar weyn oo cuntada ah oo ka mid ah supermaketyada ugu waaweyn South Afrika, waxaana hawl wadeeno ka ah rag hoos ku qoran.

RE – ganacsigii

From: ilyaas Afwaranle <afwaranle@lycos.com>
To: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
Cc: moh Omar <hahadi67@yahoo.com>; drcibaado Xirsi <hamdihirse001@yahoo.com>
________________________________________

Salaan kadib. waan gartay oo waa sax arnitaasi,waxaa jirta in dalkan wax walba si sharci ah loo qoro oo aadan furi karin ganacsi aan cadayn cida iska leh iyo ujeedadiisa iyo qaabka wax loo kala leeyahay, waxaase qasab ah in ganacsi walba lagu qoro 51% nin dalka u dhashay 49% ninka ganacsiga iska leh, hadaba maadaama uusan ninka dalka udhashay waxba inta badan ku lahayn waxaa la tagayaa maxkamada inta aanan lafurin ganacsiga wuxuuna qorayaa wax layiraahdo Tanaazul in uusan xoolaha waxba ku lahayn waa inta aan lafurin ganacsiga wuxuuse qaataa wax layiraahdo lacagta kafiilka oo dhan sanadkii $2000 doolar ilaa $3000 doolar kolba nooca ganacsiga.

Hadaba teena maadama oo ay dadkale inagaula jiraan waxaan aragnay sidan in 51% lagu qoro ninka dalka u dhashay 49% aniga la igu qoro ka dib waxaa la qorayaa heshiis kale oo maxkamada ah oo lagu cadaynayo qolo walbaa inta ay leedahay, hadaba heshiiskaas ayaan ku qoraynaa in xoolaha meesha ku jira inta aynu inagu ku leenahay ay wada leeyihiin inta qof ee aynu doono warqadahaas oo sharci ah ayaa laga saxiixayaa wasaarada arimaha dibada hadii qofka xoolaha wax ku lihi uu jiro dalka dibadiisa waxaase loo baahan yahay passport copy waxaad iigu soo diraysaan e-mailka cid walba oo lagu qoraa dhib keeni mayso waa caadi.

Abdalla

———[ Received Mail Content ]———-

Subject :Re- ganacsigii

Date : Wed, 21 Nov 2007 12:24:51 +1100 (EST)

From : Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>

To : Ilyas Axmad <afwaranle@lycos.com>

Cc : moh Omar <hahadi67@yahoo.com>, drcibaado Xirsi <hamdihirse001@yahoo.com>

Garaad, salaan diirran ka  dib, waxaan isla garanay inaan galo ganacsigii aad soo jeedisay, waxaana isla qorshayn doona adiga iyo Dr Xorriyo sida Gudomiyuhu soo jeediyey, anaga wixii nalooga baahdo ayaad nala socodsiin doontaan haddii Eebbe idmo. Arrintaasi waa markii aad sii dabarto shaarkeenii inta Dr Xorriyo ay ka soo dhameys tirayso qaybteena.

Waxaa loo baahan yahay oo aad muhiim u ah, Contract la gelayo inayna noqonin mid shaqsi ah. Sababta oo ah haddii shaqsiga wax ku yimaado meel loo raaci karo ma jirto. Sidaa darteed, waa inaad contract sharci ahaan dalka aad geliso,bilmatel Ururka. Qoralada ganacsiga inala gelaysa hadii ayna waxba ka qabin oo ayna ina aqoonin. Haddii ayna taasi suuroobi karin, waa inaad Dr Xorriyo Guddoomiyaha iyo adiga ku qorto, haddii mid idinka mid ah amar ku yimaado kuwii kale ay u claim garayn karaan.

Shaqaaluhu ma ogaan karaan ee waxay u haysanayaan inaad adigu leedahay hantida.

M.Ismail

Guusha Gobonimadoonkaa leh!

Zaki

Mon, 13 April, 2009 11:35:44 AM

WAR BIXIN XAALADA DHAQAALE IYO BARNAAMIJYADA MUSTAQBALKA

From: ilyaas Afwaranle <afwaranle@lycos.com>
To: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
Cc: drcibaado Xirsi <hamdihirse001@yahoo.com>
________________________________________
WAR BIXIN XAALADA DHAQAALE IYO BARNAAMIJYADA MUSTAQBALKA

Waxaa jirta sida aad la socoteen in aynu horay u galnay bishii Febraayo 2008 dukaan dahab.
Dukaanku wuxuu ubaahnaa dhaqaale dhan $236000 taas oo u dhigmaysay 886000 dirham una dhigmaysay in aan lahaano dukaanka 50%, hadaba waxaa adkaatay in aynu arintaas fulino xaaladeena dhaqaale awgeed waxaanan galay sidii aan horayba ugu soo sheegey xisaabaadkeenii hore $105000 waa markii aan isu gaynay wixii markaas inoo yaala iyo lacagtii inagaga jirtay Investmentigii kale taas oo u dhigmaysay in ka yar 20% hase ahaatee waxaa gashay lacag kale oo aan xisaabinay in ay ahaayeen furihii iyo qalabayntii dukaanka kuwaas oo aan ku xisaabinay sheerka korna ugu qaaday 30%.

Hadaba waxaa lacagta ila bixiyay oo qayb ahaan buuxiyay Doolaal Aadan oo aan ugu danbayntii dukaanka yeelanay 50%.

Hadaba waxaa Dubai ku kulmay Gud. Kuxigeenka koowaad iyo doolaal taas oo aad kawada hadasheen sidii uu uga bixi lahaa meesha oo aynu ugdanlahayn sheerkiisa kaas oo dhamaa $100,000 culays badan oo uu nasaaray ka dib iyo aniga oo og xaaldeena dhaqaale runtii waan ka xishooday in aan idin weydiiyo qaabkii aan ugu celin lahayn lacagtaas oon ula wareegi lahayn.

Hadaba waxaa ii suurowday in aan u celiyo oon u helo $70,000 waxaana hada udhiman $30,000 kaliya taas oo la iga rabo ugu danbayn beri galab. Sidaas awgeed dukaanka waxaan yeelenaynaa 50% marka aan bixino intaas Doolaal iyo $70,000 ee aan sii dabaray taas oon Doolaal siiyay. Kana dhigaysa lacagta inoogu jirta waa marka aan dhamaystirno lacagta Doolaal ee $100,000 + $105,000+ $20,000 faa iidadii sanadkan waxay noqonaysaa $225,000.

DHINACA FAA IIDADA
Dukaanka oo galay kharash iyo dhisme sanadkii koowaad ah waxaad moodaa in faa, iidada uu keenay oo u dhigmaysa 39% laakiin markii kharashaadka laga gooyay 21% waa faa,iido aad usaraysa marka loo eega suuqa.

Hadaba rajad aan qabno sanadkan hada socda oo aanaan wax kharash ah galayn waxaad moodaa in ay noqonayso ugu yaraan 50% – 60% taas oo ugu yaraan keeni doonta $120,000 waa marka aynu hada dhamaystirno lacagaha la inaga rabo oo dhan $100,000

Waxaan dhiiri galain lahaa in hadii lahelayo dad sheer ku darsada in aynu ka heli karno faa,iido qofkaasina faa’iidi karo wakhtiga hada la joogo waxaan suura gal ah in lacagaha qaybo ka mid ah aynu galin karno meelo kale.

QORSHIHII LABAAD EE GANACSIGA

Waxa jirtay in intii gudoomiye ku xigeenku nala joogay aan isla falan qaynay qorshe dhaqaale oo hirgali kara waxaanan isku soo qaadnay in aan bilowno ganacsi kuwajahan geeska Afrika .

Waxaan kulan la yeelanay rag ay arintaasi khusayso oo ku nool geeska afrika si wanaagsnan aan isula meel dhignay sidii aan hawshaas u fulin lahayn.

Qaybka koowaad ee ganacsigu wuxuu ku bilaabanayaa in xafiis laga furo Dubai sharciyaysan shaqadiisuna tahay u adeegida goobaha ganacsiga iyo la socodka barmaamijyadeena maalgalineed waxaan ku bilaabaynaa in aan maalgalino Bosaso iyo Djibouti oo labada ay joogaan rag muhim ah shaqadooda iyo amaanadoodana la garanayo gudoomiye ku xigeenkuna uu si wanaagsan u yaqaano qaarna uu la kulmay arintan awgeed.

Waxaa noo suuragalay in aan xafiiskii iyo hawlihiisii dhamaystirno waxaanan ku qiyaasnay maalgalinta loo baahanyahay $200,000 laba boqol oo kun taas oon is tusnay in $100,000 aynu keeno $100,000 kalana aan ka keeno sheerer dad aan ka soo uruurnino inta badana raga xubnaha ah ee jecel in ay maal galin samaystaan, waxaa ilaa hada noo suura galay in aan guarantee helno $50,000 sidoo kale waxaan rajaynaynaa hadii lacagtaasi noo soo xarooto dayn aan dalbanay oon Bangiga islaamiga ka dalbanay oo dhan 700,000 dirham una dhigmaysa $190,000 in ay noo suura galayso helideedu.

DHAQAALAHA AAN HADA HAYSANO.

Gurmadkii u danbeeyey ee uu gudoomiye ku xigeenku ku dhawaaqay in lagu soo xareeyo waxa dhaqaale ah ee la hayay waxaa ku soo xarootay lacag dhan konton iyo dhawr kun runtii waa lacag aan yarayn marka la eego mudada gaaban xisaabtaas soo xarootay waxaan isla meel dhigaynaa C/raxmaan oo ana kawada shaqayno laakiin waa inahaas si guud.

Waxaa kharash u bxay lacag ku dhow $20000 oo aan soo gudbin doono sida ay u kala baxday waxaa kale oo la inagu lahaa $34,000 taas oo ka dhigaysa lacagtii soo xarootay wixii la inaga rabay mid is goosatay.

Waxaa loo baahanyahay dhaqaale gudaha ah taas oo aan rabno iyadana in loo diro marka waxaa ila quman in bal hawlahan aan go’aano deg deg ah ka qaadano.

Ugu danbayn waxaan soo jeedinlahaa in la xoojiyo Dukaanka isla markaana la keeno dhaqaalaha aan ugu baahanahay shirkada cusub taas oo ka dhigaysa baahideena ugu yaraan $300,000

Waad mahadsantihiin

Abdalla

Thu, 1 May, 2008 3:28:06 PM

Cadayn xoolo isoo gaadhay

From: ilyaas Afwaranle <afwaranle@lycos.com>
To: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
________________________________________
waxaa iga soo gaadhay Sydney 9,200 kiintaal ee la socoda.
xisaabta bishan May ayaan raaciyay oo tii aan gudoomiyaha u diray kuma darin .

Abdalla

———[ Received Mail Content ]———-

Subject : Xoolo la soo diray

Date : Thu, 1 May 2008 14:43:15 +1000 (EST)

From : Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>

To : Ilyas Axmad <afwaranle@lycos.com>

Garaad waxaan maanta soo diray 9,200 oo cagaar ah. Waxaan ku soo diray Qaran. m. Ibrahim ayaa soo diray ee ‘acknowledgment’ soo dir haddii aad heshay.

M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!

Zaki

Sat, 1 December, 2007 9:31:40
Re: xisaabxidh

From: Moh_Amar168b1 Osman <hahadi67@yahoo.com>

To:cabdi rabax rabaax2@yahoo.com, geeska_a@yahoo.com.au; Aw Adani Hirmoge <awcaddaani@yahoo.com>
________________________________________
Warbixinta xisaab xidhka Saciid soo diray waan akhriyay, waxayna u badan tahay Magacyo iyo tiro lacag ah oo ku feedh qoran, cidina ma garan karto sababta dadkaas lacagta loo siiyay ama hawsha ay qabteen ay ku mutaysteen in lacagtaas la siiyo.
Fadlan waxaan codsanaynaa warbixin dhamaystiran, oo muujinaysa sababta lacagahani ku baxeen. Mahadsanid.

M. Omar

cabdi Rabax <rabaax2@yahoo.com> wrote:
salaan kadib waxaan halkan idiinku soo lifaaqey xisaab xidhkii hawlgalkii raashinka ee doonta

mahad sanidiin

Sooyaan

Subject: codsi masago dirid

From: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>

To: Ilyas Axmad <afwaranle@lycos.com>
Cc: moh Omar <hahadi67@yahoo.com>; drcibaado Xirsi <hamdihirse001@yahoo.com>
________________________________________
Garaad, waxaan kaa codsan inaad si degdeg ah ugu dirto 1120 jawaan oo looga baahan yahay gudaha. Waxaad lacagtaas ku hagaajinaysaa Cumar Axmed Anni (Cumar Yare). Telefoonku waa :25265379511, Hargeisa.

M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!

Zaki

Xisaab ilaa Hadda

From: Geedi Kynaan <medgurey@gmail.com>

To: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
________________________________________
Mudane Gudoomiye Waxay Ahayd Xisaabta Aw-gaab ii keenay ama Isoo Gaadhsiiyay $190000 Boqol iyo Sagaashan Kun Waxaana Ka bixiyay ilaa Hadda intan
22/06/09 Fatma Hajji ahmed Bosaso 8200
24/06/09 Fatma Hajji ahmed Bosaso 5600
24/06/09 Shamsa Abdiilaahi Hargeisa 310
24/06/09 Bishaaro moha aahmed Hargeisa 1540
24/06/09 Abdirisak Moha Tiba Ifo 310
24/06/09 khadra moha ahmed Hargeisa 620
10/6/2009 Moha Gurey Djib 500
6/7/2009 Shamsa Abdiilaahi Hargeisa 1020
6/7/2009 Reer Sayid Hargeisa 1020
7/7/2009 Addani Bosaso 620
7/7/2009 Habib Farah Galkacyo 310
6/7/2009 Abirahman-Bukaan Addis 1260
16/07/09 Shamsa Abdiilaahi Hargeisa 1030
Xiidhidh iyo tele 100
Totalka Guud Waa Sidan

22440

Beerta K/Afrika (Sawiradeeda)

From: Siraaje C <qabawayn2006@yahoo.co.uk>

To: hahadi67@yahoo.com; geeska_a@yahoo.com.au; hamdihirse001@yahoo.com
Cc: qabawayn2006@yahoo.co.uk

________________________________________
Mudane Gudoomiye, Mudane GX1 Maxamed Ismacil iyo Drs.Xoriyo
marka hore salaan gudooma, salaan ka dib, bal talada horta Gudoomiyaha ayeynu
u deyneynaa iyo wixii arimahan laga yeeli lahaa, balse waxaan ku xususinayaa Mudane GX1 in qoraalka ay soo direen Reer-Koonfur-Afrika aysan ku darin E-Mailka Gudoomiyaha sidaa awgeed uusan arkin ayaan filayaa Sawirada Beerta, kolka sidaa awgeed ayaan markaan arkey taas qoraalkoodii ugu soo sameeyey Forwor, si uu Gudoomiyuhu u arko oo uga soo taliyo.

Mahadsanidiin, Cabdiraxman-Cagoole
—————————————————————————————

— On Thu, 29/4/10, mujaahid muxaafid <bashiirmuxumed@hotmail.com> wrote:

From: mujaahid muxaafid <bashiirmuxumed@hotmail.com>
Subject: CODASI
To: caatayse2001@yahoo.com, “A.S.” <dooxayarey01@hotmail.com>, qabawayn2006@yahoo.co.uk, hamdihirse001@yahoo.com, geeska_a@yahoo.com.au, “mujaahid muxaafid” <bashiirmuxumed@hotmail.com>
Date: Thursday, 29 April, 2010, 10:49
salan sare dhamaan masuuliyinta waxan raba in aan idiinka warbixiyo beertii k/africa.
waxana raba in aan idiin soo diro sawiro badan oon ka sooqadnay beerta marka horese waxan raba in aan idiin sheego baahida beerta waxa ay u baahantaHAY
abuur fara badan mid badana waan galinay oo isugu jira kaad soo dir teen iyo kii aan soo saaray hadaan nahay ree k/ africa, hadana waxaan ubaahanahay wax dag dag ah ! sababtoo ah waxay naga taagan tahay meel xun oo kalabadh ka ah
waxna waan soo dhignay walina maanaan furin waxayna u xaniban tahay waa arin taa
mazaga la,aanta ah hadii la helana waxaan rumaysanahay in wax wayn laga heli ama laga faa iidi.

Waxaan hada u baahanahay waa mazaga dhan ilaa in tii hore ee aad soo dir teen
mana loo baahna in uu daaho sababtoo ah kiro ayaa nagu socota kirooyin ilaa 3 biloodna waan bixinay beertiina ma shaqaynayso taas ayaa igu kalif tay in aan cod si dag daga idiin soo diro kiraduna waa $1500 oo bidaara sadaraadeed ma awoodno in aan bil walba bixino lacag taa oo aan wax soo saaraynin idina waad dareemi kar taan waxaan jeclahay in aan idiin sheego xisaab tii ilaa bishii koobaad in aan idiin soo diro sida ugu dhakhsaha badan iyada oo aad u faah faahsan meeshay ku baxdayna waxaan ku soo cadayn waraaq mazagadaad soo dirteen waxay ahayd $60,000 kun waxaana lagu badalay R462000 KUN mar ka waxaan cod sanaynaa in la noo tix galiyo baahidan oo aan sugi karin wax wakhti ah oo daaha waxaana rajaynaynaa in aad saan idin ka filayno noogu tix galin doon taan CODSIGAN
jawaab durba ah inshaa alaah waxaan idiin soo diraynaa cajalad video ah oo aan ka soo duubnay taas oo aan hubo in aad kuqanci doontaan baaxada beerta hantida ku abuuran iyo goobta ay kutaalaba video gaas waxaan ku soo diri D H L

guul iyo gobonimo alaahu akbar

Re: beertii konfur afrika laga abuurayay

From: hamdi xirse <hamdihirse001@yahoo.com>

To: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>; qabawayn2006@yahoo.co.uk; bashiirmuxumed@hotmail.com; A.S. D <dooxayarey01@hotmail.com>; abdullahi muhumed <caatayse2001@yahoo.com>
________________________________________
Salaan dhamaantiin

hawshani waa mid umaadeed oo qof kasta xil aya ka saraan inu ilaaliyo , wana wajiib ina saraan oo aan u taganahay inan kaga saarno ummadeena dhibka ee Allaha ha idin fudaydiyo ,waxaan rajaynayna guul weyn oo waxtarleh, kolayna si joogta ah aya la idinla soo xiidhii insha Allaha Hawshu sida Gudoomiyaha iyo Cabdullahi dhaheen ayey ku socon,taloyiin kalana waan idin haynaa oo aan gadaal idinka soo siin doono.

Xoriyo

________________________________________
From: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
To: hamdi xirse <hamdihirse001@yahoo.com>; qabawayn2006@yahoo.co.uk; bashiirmuxumed@hotmail.com; A.S. D <dooxayarey01@hotmail.com>; abdullahi muhumed <caatayse2001@yahoo.com>
Sent: Sun, February 28, 2010 3:10:57 PM
Subject: Re: beertii konfur afrika laga abuurayay
Sidaa uu Cabdullahi Caa sheegay weeye. Waxani waa shirka dad khaas ah leeyihiin. Waxay yeelanaysaa maamulkeeda, waan indiin soo jeedisay fikirka. Xataa haddii ay cid ku soo darsato share xisaab xidhka ayaa lala socodsiin wixii ay qayb u yeesheen ee ma aha inay farogelin ku yeeshaan.
Sidaa darteed, waxaan kala xisaabtamaynaa waa idinka C/Raxman iyo B. Sallax ahaan. Ciddii kale ee idinkula jirta eed aaminaysaan ee haddaba xogta haysa waa mid aad idinku og tihiin.
Is beddelka maamulka Jaaliyaddu waa ka gaar arrintan.
M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!

Zaki

— On Mon, 1/3/10, abdullahi muhumed <caatayse2001@yahoo.com> wrote:

From: abdullahi muhumed <caatayse2001@yahoo.com>
Subject: beertii konfur afrika laga abuurayay
To: “hamdi xirse” <hamdihirse001@yahoo.com>, qabawayn2006@yahoo.co.uk, bashiirmuxumed@hotmail.com, “A.S. D” <dooxayarey01@hotmail.com>, “Zaki” <geeska_a@yahoo.com.au>
Received: Monday, 1 March, 2010, 12:35 AM
Ascwwbr.

Ilaahay ha idinku asturo arintan,laakiin waa sida uu G1aad sheegey,waa arin aad u ah in loo xafido,loona ilaaliyo,cida ogna ay tahay cid fara ku tiris ah.

Maamulkiinu wuu is badeli karaa,ka Abdiraxmaan & Bashiir mooyee cid kale oo xitaa maamulkiina ah in ay ogaato ma,aha,hadii ay og yihiina waa in ay sirta ilaaliyaan.

Hadi maamulkiinu is badelo ma,aha in hadana maamulkaa cusub hawsha lagala xisaabtami ee labadiina hada wada hawsha ayaa hawshaa sii wadaya.(Waa sida aan odhan lahaa ee go,aan ma,aha)

Hadii la dhaho kolba qoladii maamulka cusub halagala xisaabtamo waxay iska noqon arin K.Afrika oo dhan ay og yihiin,markaa sida ay ku socotana wey adkaan.

Ilaahay ha idinku dhawro

Wabilahai tawfiiq
C.C

— On Sat, 2/27/10, Zaki <geeska_a@yahoo.com.au> wrote:

From: Zaki <geeska_a@yahoo.com.au>
Subject: Re: FW: beertii konfur afrika laga abuurayay
To: “hamdi xirse” <hamdihirse001@yahoo.com>, qabawayn2006@yahoo.co.uk, caatayse2001@yahoo.com, bashiirmuxumed@hotmail.com, “A.S. D” <dooxayarey01@hotmail.com>
Date: Saturday, February 27, 2010, 1:47 AM
Halgame C/raxman, waxaan Eebbe idiinka baryi inaad guulaysataan oo uu mashuuracani noqdo midkii Og lagu xoreyn lahaa.
Waxaad la socotaan inaan loo baahnay in cid kasta ogaato. Bahda HOG Dhaqaalaha iyo masuuliyinta Jabhadda keliya ayaa Og. Idinkuna cidda aad aaminaysaan iyo ciddaydaan aaminaynin idinka ayaa Og. Ha u wada sheegina Hawl wadeenada Jaaliyadda. Haddii ay hadda og yihiina waa inay ilaaliyaan sirta.
Hantida Jabhaddu in la wada og yahay ma fiicna oo meelo cadowgu lug ku leeyahay ayuu ganacsi ku gayn karaa.

M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!

Zaki

rasaas.com