Siiraanyo oo Xalay Addis Ababa Seexday Kana Guuray

 

Addis Ababa, November 25, 2011 [ras] – Madaxweyne Siiraanyo oo ay la socdaan wasiirkiisa arimaha dibada Maxamed Cabdulahi iyo afadiisa Amina, ayaa xalay Addis Ababa waxaa ku soo dhaweeyey wakiilo u jooga Addis Ababa.

Addis Ababa, ayaa hada waxaa ka socda shir ay leeyihiin urur gabaleedka IGAD, oo kaga xaajoonaya arimaha gabalka, gaar ahaana arimaha Somaliya.

Wararku waxay sheegayaan in saaka Siiraanyo ka kalahay Addis Ababa, kolkuu xalay seexday, isaga oo ku sii jeeda Jabuuti oo dhaxsin uu ku joogi doono hal maalin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Siiraanyo uu la kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, halkaas oo ay ku sugayaan xubno golihiisa ah. Waxaana la filayaa in madaxweyne Siiraanyo uu kala hadili doono Geele arimo ku saabsan xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa si toos ah iyo si dadbana waxay u aflagaadaynayeen todobaadyadii tagay dawlada Ethiopia, iyaga oo sabab ka dhigayey in la xidhay dad Somaliland ah oo xuduuda Ethiopia si sharci daro ah ku soo galay, ka dibna dad Ethiopian ah dilay.

Madaxweyne Siiraanyo oo arimo caafimaad mudo labo bolood ah u joogay dalka Ingriiska ayaa Hargeysa dib ugu laabanaya Maalinta bari ah ka dib kolkii ay u dhamaatay dawayntii.

rasaasa.com