Siiraanyo oo Saaka la Dhigay Isbitaalka Homerton University Hospital oo ku Yaal Bariga Magaalada London.

 

Breaking News: War deg deg ah maanta barqadii naga soo gaadhay dalka Ingriiska ayaa sheegaya in saaka aroortii hore lagula cararay Isbitaal madaxweynaha maamul beeleedka Somliland. Madaxweynaha ayey xaaladiisa caafimaad aad u liidataa, ka dib kolkii barar caloosha ah  sababay in ay neeftu ku xidhanto, warkan ayaanu ka soo xiganay dad ehelkiis ah.

Maamulka Somaliland ayaan wali wax war ah ka soo saarin xaalada xun ee uu ku sugan yahay madaxweyne maamulka Somaliland.

Sida ay wararku sheegayaan saaka aroortii hore ayey afadu garaacda teleefoonka xaalada naxdinta ah [emergency] ee ay leedahay waaxda caafimaadka dalka Ingriiska ee magaceeda loo gaabiyo NHS.

Siiraanyo oo xaalad caafimaad xumo u tagay Ingriiska ayaa habeenkii bisha November 13,2011 kala qayb galay beeshiis shir ay isku xag xaganaysay. Sida ay wararku sheegayaan wixii habeenkaas ka dambeeyey waxaa si aan caadi ahayn u bararayey caloosha. Inkasta oo xanuunka uu u tagay Ingriiska uu ahaa dhinaca beerka, ayayna wali takhaatiirtu sheegin meesha uu ka imanayo bararka sababay in ay neeftu ku dhagto.

Ehelada madaxweynaha ayaa noo sheegay in maalintii Sabtiga iyo Axada, in uu caloosha ka toobay madaxweye Siiraanyo wiil uu adeer u yahay oo dadka tooba, kaas oo dhiig badan ka nuugay madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu degan yahay hoyga dadka waaweyn loogu talo galay, halkaas oo uu ku nool yahay mudo dheer. In kasta oo uu madaxweyne ka yahay maamulka beesha Somaliland ayaa hadan waxaa uu madaxwxeynaha gacanta laga siiyaa lacagta hawl gabka ee dalka Ingriiska.

Wixii war ka soo kordha xaalada caafimaad ee Siiraanyo waxaanu idinkula soo socod siindoonaa wararkeena dambe.

Maxamuud Qorane
mqorane@rasaasa.com
November 15, 2011.

rasaasa.com