Siiraanyo oo Hakiyey Socdaal u ku Tagi Lahaa Johansburg, Isaga oo Laga Sugayo London

 

Madaxweynaha maamul gabaleedka Somaliland ayaa safar caafimaad oo uu ku tagi lahaa South Afrika, ka hore inta uusan aadin Ingriiska oo looga yeedhay,  hakiyey  khilaaf ka dhex dilaacay maamulkiisa awgeed.

Siiraanyo oo uu weheliyo wasiirkiisa dibada Maxamed Cabdulahi, ayaa tagi doona Koonfur Afrika, halkaas oo baadhis caafimaad ay ku samaynayaan takhaatiir.

Sida ay wararku sheegayaan Siiraanyo ayaa aadi doona dalka Ingriiska, kolka uu dhamaysto baadhida caafimaad. Wasaarada arimaha dibada ee Ingriiska ayaa u yeedhay Siiraanyo,ka dib kolkii uu madax taag ka muujiyey ka qayb galka shirka Somalida London uga furmi doona Febaruary 23, 2012.

Maamulka Somaliland, oo mudadii 21 sano ahayd ee ay dhibaatadu ka jirtay koonfurta Somaliya sheegatay in ay ka go,oday Somaliya, ayaa u muuqada mid dhalanteed ku dhisnaa.

Dalka Somaliya ee 21 jirsaday, ayaad moodaan in maanta aduunku u dabo istaagay wax ka qabashadadeed Afrika, si ay u dhamayso dhibaatada baahday.

Xarunta Afrika ee Addis Ababa, waxay ku guulaysatay in ay gayso Somaliya ciidamo suga amniga caasimada, kana saara argagixisada, iyada oo aduun lacageed ka helaysa dalalka Galbeedka.

Ingriiska ayaa sheegay in uu u qaban doono Somalida oo dhan shir, isla mar ahaantaasan uu gayn doono ciidamo si loo sugo jiritaanka dalka Somaliya.

Maamulka Somaliland ayaa sidii caadada u ahayd muujiyey diidmo isaga oo leh, waxaan nahayd dal madax banaan, arintaas oo ay ku qososhay dawlada Ingriisku. Waan arintaas sababta Siiraanyo u tagayo London todobaadka dambe.

Waxaa Siraanyo kulanka Ingriiska ku wehelin doona, masuuliyiin ka socda labada maamul ee Awdal State iyo SSC, oo iyagu ah maamulo beeleed oo ka go,ay maamul beeleedka Somaliland.

Waxaa la sheegayaa in hadii ay saddexda maamul ku heshiiyaan Afkaar mid ah ay qayb muhiim ah ka heli doonaa dhismaha dawlada cusub ee loo dhisayo Somaliya bisha August 2012, hadii kale ay magac beel wax ku heli doonaan.

rasaasa.com