Shugri Ilbir iyo 13 Kale oo la Socday oo Salal Lagu Dilay

 

Jijiga, Sep 4, 2011 [ras] – xubin muhiim u ahaa kooxda Jwxo-shiil iyo 13 la socotay oo ay dileen ciidanka cusub ee booliska degaanku September 1, 2011.

Wararku waxay sheegayaan in ay ciidamada cusub ee boolisku heleen 14 xubnood oo salashan kana tirsan kooxda Jwxo-shiil. Xubnahan ayaa lagu dilay aaga degmada Dhanan ee gabalka Shabeele.

Xubnaha ciidanka ah ee wali raacsan Jwxo-shiil, oo la,a meel ay isku aaminaan ayay gaajo badankooda ku laysaa qarfaha gabalka Ogaden iyaga geeri xabadeed ka gabanaya.

Kooxda Jwxo-shiil ee doraad la dilay, ayay soo sheegeen reero reer miyi ah oo ay biyo waydiisteen, ka dibna waxaa hareereeyey ciidanka cusub ee Booliska.

Xubinka watay ciidanka oo naanaystiisa la yidhaah Ilbir, ayaa ka mid ah xubnihii kala jabiyey ciidankii ONLF, horena amarkiisa waxaa loogu dilay masuuliyiin ururka ahaa.

Dhinaca kale warku wuxuu intaa ku darayaa in 11 xubnood oo kale oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, lagu dilay aaga degmada Dhagaxbuur.

Dhacdo kale oo ka dhacday dalka Kenya todabaadkan dhexdiisa ayay ciidamada amaanka ee dalka Kenya ku xidheen magaalada Garrissa 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil.

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa la,a meel ay fooda galiso dal iyo dibadba, kolkii ay lumisay taageerada dadweynaha, wax isbadal ahna way la iman wayday.

Dhamaan masuuliyiintii kooxda Jwxo-shiil, ee joogay gudaha iyo dalalka dariska, ayaa noqday wax la dilay iyo wax dibadaha u baxsaday. xubnaha ku nool dalalka reer galbeedka ayey tabartoodu isugu soo ururtay Aalada Internet-ka oo iyada laftigeedu liidata, waxaana xidhay cutubkan 3aad Jwxo-shiil.

rasaasa.com