Shirweynaha Nabada Qaran ee Qabridahare oo la Qabanayo?

 

Dadaal badan ayaa loo galay dal iyo dibadba sidii ay nabad uga dhici lahayd dhulka Somalida Ogadeeniya. Dadaalkaas waxaa hormuud ka ahaa Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, haweenka iyo guud ahaan waxgaradka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Dadweynaha ayaa ku guulaystay dadaalkoodii nabada, ka dib kolkii ay ku qanciyeen ururka ONLF in uu qaato nabad. Bishii June ayey odayaashu ku guulaysteen in ay is horfadhiisiyaan dawlada iyo ururka ONLF, halkaas oo uu ka bilowday geedi socodka nabadu.

Xiligaasi ayaa waxaa go,aan lagu qaatay in uu shirweyne Qaran ka dhaco magaalo madaxda gabalka Qoraxeey ee Qabridahare.

Magaalada Qabridahare ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu da,ad weyn ee degaanka Somalida, taariikh weyna ku leh isbadalada ka dhaca gabalka Ogaden. Sanadkii 1954, magaalada Qabridahare waxay ahayd magaaladii uu Boqor Xayle Salase kaga dhawaaqay in Ogadeeniya ay ka mid tahay boqortooyada Itobiya. Qabridahare waxaa ay ahayd magaaladii uu ka aas aasmay halgankii 1964 iyo waliba, waxayna ahayd magaalada kolkii ugu dambaysay uu ka dhacay heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray ciidamadii nasrulahi [geeshka], oo iyagu kolkii dambe shufto isu badalay. Xiligaas oo uu ka soo qayb galay kulanka nabada boqorkii Itobiya Boqor xayle salaalse.

Xiligii Dawladii Milatariga ee Dhargiga, waxay bilowday arimo shuuciyadeed oo ka hor imanay dhaqanka iyo Diinta Islaamka iyo waliba iyada tuurtay heshiisyadii u yaalay gabalka Ogaden iyo dawladii Boqortooyada ee Itobiya. Qabridahare waxaa ay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu horeeyey ee uu ka abuurmay ka hor imaanshaha dawladii Dergiga ee markii dambana horseeday dagaalkii sanadkii 1977 ee Somali galbeed, walo kolkii dambena ay ku hardameen Itobiya iyo Somaliya.

Qabridahare waxaa ay ahayd magaaladii hogaaminaysay dhaqdhaqa Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], oo mudo dhawr iyo toban sano ah ka waday dagaalo gabalka Ogaden.

Jabhada ONLF, ayaa sanadkii 1992 ogolaatay in ay ka qayb gasho nidaamka federalka ah. Waxaana ismaamulkii ugu horeeyey ee gabalka ka dhashay sanakii 1993 ku guulaystay ururka ONLF.

Sanadkii 1994, ayaa waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay ururka ONLF iyo dawlada. Xilogaas waxaa lagu qabtay magaalada Qabridahare shir la doonayey in lagu xaliyo khilaafka, nasiib daro shirkaas laguma heshiin.

Xukuumada maanta ka jirta Itobiya ee uu talada u hayo xisbiga EPRDF, uuna hogaamiyo Ra,iisul wasaare Atto Meles Zinawi, oo aad ula socda taariikhda gabalka ayaa dhawr goor tagay magaalada Qabridahare isaga oo nabad ku baaqaya, nasiib daro laguma guulaysan.

Gabalka Qoraxeey, dhawr iyo tobankii sano ee dagaaladu socdeen waxaa uu ahaa saldhiga ururka ONLF.

Magaalada Qabridahare maanta waxaa taal Gogosha Nabada Qaran ee dhulka Somalida Ogadeeniya oo u dhaxaysa ururka ONLF, waxgaradka Somalida Ogadeeniya iyo dawlada federalka.

Waxaana la filayaa in shirka ay ka soo baxaan go,aamo dhaxal gal ah oo dan u ah guud ahaan dadweynaha Itobiya, gaar ahaana dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

Wixii shirkan ka dambeeyana dawlada ayaa looga fadhiyaa in ay samayso isbadal wayn oo dhinaca nolosha dadweynaha gabalka ah iyo waliba sidii ayna colaadi mar dambe ugu soo noqon dhulka Somalida Ogadeeniya.

rasaas.com