Sun. Dec 5th, 2021

March 27, 2012 – Waxaa bisha March 19 – 21, 2012 magaalada Port Elizabeth, ka dhacay shir ay qabsatay Jaaliyada beesha Absame ee ku dhaqan magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Waxgaradka beesha reer Cabdile; waxaanu kolka ugu horaysa soo dhawaynaynaa go,aan Jaaliyada Absame ay heshiisiika ku dhex dhigtay xoogsatada beelaha reer Cabdile iyo Isaaq ee dalka Koonfur Afrika ku nool.

Shirkaas oo ay ka qayb galeen dad badan, sida la sheegay waxaa lagu dhex dhexaadiyey Jaaliyada beelaha reer Cabdile iyo reer Isaaq oo ka mid beesha Absame ee Koonfur Afrika.

Dhamaadka shirkaas waxaa laga soo saaray war saxaafadeed oo la sheegay in heshiis lagu dhex dhigay Jaaliyada labada beelood ee reer Isaaq iyo reer Cabdile oo ay saxiixeen 66 ruux.

Beesha Absame waa beel balaadhan, reer Cabdile iyo reer Isaaqna waa labo beelood oo mug leh, waxayna degan yihiin Ethiopia, Kenya iyo Somaliya. Beeshu waxay leedahay hogaamiye dhaqameedyo iyo caaqilo xeer beeg ah oo xaliya khilaafka kala dhex gala beelaha Absame.

War saxaafadeedka waxaa lagu qoray arimo xasaasi oo aan haboonayn in lagggaga hadlo shir kooban oo lagu xalinayo khilaafka Jaaliyada kooban ee ka xoogsata dalka Koonfur Afrika.

Warsaxaafadeedka waxaa haboonayd in lagu qoro wixii laggaga hadlay heshiiska Jaaliyada Beelaha reer Cabdile iyo reer Isaaq ee koonfur Afrika kaliya, laakiin arimaha kale loo daayo cuqaasha joogta meelaha ay ka dhaceen.

Nasiib daro waxaa ah war saxaafadeedka laggaga hadlay dilkii Sheekh Cabdulahi Qoraxeey July 1994, Dr. Maxamed Siraad Dolal January 2009.ย  Laggagma hadlin dilkii Sheekh Maxamed Dubad Xirsi oo Garrissa ka dhacay February 14, 2011. Arimahan oo uusan shirku ku saabsanayn loona baahnayn in uu faragaliyo.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in dhaawicii iyo dhimashadii ka dhacday koonfur Afrika la xaliyey. Jaa,ifadii dhaawaca waxaa yeelatay gaal jecel, jaa,ifadii dhimashada waxaa la saaray reer Cabdile.

Waxaa warsaxaafadeedka lagu qoray in reer Cabdile ogolaaday in uu bixiyo magta dilka ka dhacay Koonfur Afrika ee reer Isaaq gaadhay, isla markaasna dadka arintaas lagu tuhunsan yahay ay yihiin dambiileyaal meel kasta oo lagu arkana lagu qabto sharciga. Su,aashu waa maxaa magta loo bixiyey, tuhunse mag ma lagu qaataa? Sheekh Cabdulahi Qoraxey, Dr.Dolal iyo Sheekh Maxamed Dubad!

Qoraalka ku saabsan dilalka ka baxsan Koonfur Afrika ee u dhaxeeya beelaha reer Cabdile iyo reer Isaaq, way ka horeeyeen kan koonfur Afrika cidii sheegta in ay xal kaga gaadhay Koonfur Afrika waxaba kama jiraan.

Dilka Sheekh Cabdulahi qoraxeey, Dr. Maxamed Siraad iyo Sheekh Maxamed Dubad Xirsi cadaymo in reer Isaaq dileen waa lagu waayey ayaa lagu qoray war saxaafadeedka. Su,aashu waxay tahay cida cadaysay in cadaymo loo waayey yay ka cadaysay?

Waxaa kale oo war saxaafadeedka lagu qoray in la kala saaro arimaha siyaasada iyo Arimaha beelaha. Siyaasiyiintu waxay ka dhasheen beelo, dadka ku taageeraana waa beelahooda. Su,aashu waa cidii kala saari karta beelaha iyo siyaasada waa tuma?

Waxaanu ku amaanaynaa wanaaga ay samaysay gudiga beesha Absame, ee ay ku heshiisay xoogsatada Jaaliyada beelaha reer Cabdile iyo reer Isaaq.

Arimaha u dhaxeeya labada beelood ee ka baxsan Koonfur Afrika, heshiis laggagama gaadhi karo Koonfur Afrika. Aad iyo aadna baanu uga xunahay in arimo noocaas oo kale ah lagu soo saaro war saxaafadeed.

Waxaanuna way diisanaynaa gudiga beelaha Absame ee koonfur Afrika in ay saxaan qoraalka ay soo saareen, si uu u hirgalo wanaaga ay sameeyeen.

Qoraalkan waxaa na soo gaadhsiiyeye Qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Reer Cabdile ee Yurub.

Waxaanu dhakhso idiin soo gaadhsiindoonaa magacyada waxgaradka beesha.

Wa Bilaahi Tawfiiq

rasaasa.com

Hoos ka akhriso qoraalka gudiga beesha Absame.

 

Shirkii Beesha Absame ee SouthAfrica(Warbixin+sawiro)

ย 

March 25, 2012 – War saxaafadeed kasoo baxay shir balaaran oo dhawaan lagu soo gabogabeeyey magaalada Port Elisaberth ayaa lagu sheegey in la dhameeyey wixii khilaaf ahaa ee beesha Maxamed Zubeyr dhex yiiley.

Hoos ka akhri wax saxaafadeedka oo dhamaystiran

XALLINTII KHILAAF KALA DHEX GALAY BEESHA MAXAMED SUBEER

Taariikhdu markay ahayd 19kii ilaa 21kii Maarso 2012 waxaa ka dhacay Xaafadda Uitenhage ee magaalada Port Elizabeth Koonfur Afrika shir nabadeyneed, shirkan waxaa soo qabanqaabiyey iskuna soo dubba riday guddoonka Beesha Absame iyo Adeerkood ee Koonfur Afrika waxaana lagu xallinayey khilaaf iyo madmadow soo kala dhex galay laba qoys oo walaalo ah oo ka wada tirsan Beesha Maxamed Subeer ( Ree Cabdille iyo Ree Isahaaq)

Khilaafkan ayaa wuxuu ka dhashay Dil aad u foolxun oo 14 Seb 2011 ay gacan ku dhiiglayaal si naxariis darro ah ugu geysteen Allaah ha u naxariistee Maxamed Sh.Xasan Cabdullaahi kuna Magac dheeraa (Raanboo) oo goor aroor hore ah isagoo ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Korsten ee magaalada Port Elizabeth waddada u galeen halkaasna ku dileen.

Dilkan ayaa sabab looga dhigay inuu Maxamed Sh.Xasan Allaah ha u naxariistee ahaa ninkii lahaa gacanta dhaawac loo geystay nin lagu magacaabo Axmed Faarax Keydsane (Ciin) oo lagu dhaawacay isla magaaladaas aan kor ku soo sheegnay 30 julay 2011, waxaase muddo kadib caddaatay in Maxamed ahaa nin Bari ka ah waxaas lagu eedeeyay aakhirkiina dhiigiisii lagu xalaashaday. waxaana la caddeeyay in ninkii CIIN dhaawacay ahaa nin lagu magacaabo Axmed Cali Babaay oo ka soo jeeda Beesha Gaaljecel, arrintaas oo labada beelood ee walaalaha ah iyo guddoonka beesha Absameba ku wada qanceen

Sidoo kale waxaa Shirka lagu lafa guray kala sheegasho ay labada beelood kala sheeganayeen dilkii Allaah ha u naxariistee Xaaji Cabdulaahi Qoraxey iyo Dr. Maxamed Siraad Doolaal.

Beesha Reer isahaaq ayaa ka codsatay Beesha Reer Cabdille in ay keenaan Cadayn ku saabsan in ay Reer Isahaaq ka dambeeyeen dilkii Maxamed Siraad Doolaaal iyo Xaaji C/laaahi Qoraxeey.

Ergadii Beesha Reer Cabdille ee shirka fadhiday waxay dhamaantood cadeeyeen in ayna u haysanin dilkaas Reer Isahaaq ayna ogyihiin cidda dishay Dr. Doolaal iyo Xaaji Qoraxey.

C/raxmaan Daahir Koleey oo ka mid ahaa Ergadii Beesha Reer Cabdille wuxuu sheegay in ayna Jirin Meel iyo shir ay reer Cabdille isugu yimaadeen oo ay ku qaateen go,aan ah in Reer Isahaaq dileeen Xaaji Qoraxey iyo Dr. Doolaal.

Walow aan la soo koobi Karin odayaashii Shirk aka hadlay hadana waxaa ka mid ahaa Bashiir Cabdulaaahi Xirsi Cawl oo cadeeyay in Reer Isahaaq bari ka yihiin Eedayntaas, sheegayna in la ogyahay ciddii dishay Xaaji Cabdullaahi Qoraxey.

Waxaa kale oo la isla gartay in laga hortago lana joojiyo ku tidhi kuteenta iyo been abuurka lagu kala dilayo labada beelood ee walaalaha ah iyo guud ahaanba Beesha Absame, loona adeegsanayo Saxaafadda.

Shirka waxaa lagu furay wacdi diini ah waxaana lagu soo khatimay Alla bari iyo duco, wuxuuna ku dhamaaday jawi aad iyo aad u qurux badan.

Waxaana goobtii laga dareeray iyadoo qof waliba qofka kale laabta saarayo.
Waxaa lagu kala guddoomay magtii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Sh.xasan C/laahi iyo waliba ganaaxyo Guddoonka Beesha Absame iyo adeerkood ku xukumay Reer Cabdille oo ay ka soo jeedeen Gacan ku dhiiglayaashu.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in gacan ku dhiiglayaashii ay yihiin Dambiilayaal meel kasta iyo mar kasta oo la arko, dibna aysan ugu soo noqon Karin Koonfur Africa hadii lagu arkana si wada jir ah Dowladda gacanta loogu galin doono Insha Allaah.
Odayaasha Absame oo iyagu mar walba u taagan xallinta iyo ka hor taggidda Mushkiladaha ay keenaan dad ma fikirayaaal ah ayaa si aan kala hadh lahayn hagrashana ku jirin ugu istaagay inay ka miidho keenaan heshiisiiyaana labada beelood, taas oo uu Allaah ku guuleeyay,

Ugu dambayntiina waxay odayaasha Beesha Absame kula dar daarmeen labada Beelood ee walaaalaha ah in wixii hadda ka dambeeya uuna khilaafkoodu kor u soo bixin ee ay iyagu dhexdooda xallistaan,waxaa kale oo shirku dardaarmay in la kala saaro siyaasadda iyo Arrimaha bulshada oo aan qoysna loo tiirin Urur noocuu dooniba ha ahaadee.

DILKII GAARISSA: Waxaa isna goobta shirka si kadis ah ku yimid nin dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Cumar Axmed Maxamed ( Cumar Kooke) kana soo jeeda Beesha Reer Isahaaq oo sheegay in uu safar gaaban ku tagay Kenya halkaas oo uu degganaa reerkiisa oo sida uu sheegay ka soo maqnaa muddo Saddex sano iyo Afar bilood muddadaas oo uu ku noolaa koonfur afrika hasa yeeshee nasiib darro dhamaysan waayey safarkiisii oo markii horeba wakhtigiisu gaabnaa cabsi kaga timid eedayn loo soo jeedayey oo laguna eedeeyay inuu ahaa ninkii fuliyey dilkii arxan darrada ahaa ee loo gaystay Allah ha u naxariistii 3dii nin ee lagu dilay magaalada Gaarisa
Cumar wuxuu si kalsooni iyo degganaansho ku jirto hortooda uga caddeeyay Ergadii shirka isugu timid inuusan wax lug ah ku lahayn eedayntaas aadna uu uga xun yahay in lagu eedeeyo rag walaalihii ah oo aan waxba ka galabsan dilkooda iyo warjeefkooda wuxuuna ku dhaartay Magaca Allaah isagoo markhaati gashaday ergadii Absame iyo adeerkood ee goobta joogtay oodhan.

Ergadii iyo wax garadkii Beesha Absame iyo Adeerkood ayaaa si aad u saraysa u soo dhaweeyay war bixinta iyo Bari ka noqoshada inuusan wax lug ah ku lahayn, iyadoo si buuxda loogu wada qancay, waxaana lagu waaniyey qof walba oo beesha ka mid ah oo ay soo wajahdo mushkilad tan oo kale ahi inuu sameeyo sida cumar sameeyay oo kale.

MAGACAYADA KA QAYB GALAYAASHII SHIRKA.

Ergada Absame iyo adeerkood
Names
1 Sh.C/laahi Sh.Cabdi Timacadde (Ubax)
2 Maxamed Cabdi Diiriye(Qooqaani)
3 Suldaan dugsiiye Axmed Xaashi
4 Axmed Shukri Maxamed (gacmo-gaab)
5 Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Santoore)
6 Cabdirashiid C/laahi Ibraahim
7 Saalax Xaaji bile
8 Qaasim Bosh Cali
9 Cabdiqadir Axmed Cabdullahi (Tallman)
10 Axmed Cumar Diiriye
11 Bahjudiin Maxamed Sh.Xuseen
12 Maxamed maxamuud budul
13 Sheekh Nadiir

Ergada Ree Isahaaq

Series Names
1 Sh.Axmed Ismaaciil ( Sowti)
2 Ugaas Cismaan
3 Axmed Sayid
4 C/laahi Cali Nuur (c/lahi dheere)
5 Saxardiid C/laahi
6 Maxamuud Axmed Guuleed (M.Cadde)
7 C/caziiiz C/laahi (Buste)
8 Maxamuud Sheekh
9 Mawliid C/laahi Maxamed
10 Siyaad Cali Nuur
11 Xasan Ibraahim Takhal
12 Xasan Muxumed Budul
13 Axmed dhancadde
14 Cabdi Habarwaa
15 Xariir Aw Axmed
16 Makhtal Axmed Xasan
17 Mustafe Galool
18 Cabdi Maxamed Daahir ( Cabdi dhere)
19 Rashiid (caano-geel)
20 Axmed Ciraaq
21 Sh.Maxamed Faalug
22 Muxumed Cabdi Nuur
23 Axmed Gadhle
24 Cabdi Aar Xuseen
25 Xuseen Caayeed
26 Maxamed Ismaaciil
27 C/risaaq Yuusuf Osman
28 Sahid Khaliif Hassan
29 Carab Colaad Adan
30 Moxamed Axmed Ibrahim

Ergada Ree Cabdille

Series Names Sign
1 Cumar Cali shuqul
2 Cabdiraxmaan Daahir Koley
3 Mashiir Maxamed Jeelle
4 Axmed Daahir Faalug
5 Cabdiraxmaan Maxamuud
6 Daahir C/laahi Carte
7 Bogsiiye Xuseen Dhagey
8 Bashiir C/laahi Xirsi
9 Maxamed Cumar Nasiib
10 Maxamed Xiis Kallane
11 Cabdi Siraad (Amaadin)
12 C/laahi sh.Aaden Maxamed
13 Abshir Daahir Axmed
14 Khaalid Ismaaciil C/laahi
15 C/laahi Muxumed Maxamuud
16 Barre Carab Cismaan
17 Ugaas Maxamed haybe (sufi)
18 Ibrahim Korane Sagal
19 Maxamed Cabdi Xiis
20 Mohamoud Muxumed Cabdi
21 Maxamed Ismaaciil
22 Deeq Biixi Sahal
23 Mohamed Sala

By admin