Shir Xasaasi ah oo ka Socda Dalka Jabuuti

 

Somalia Mogadishu, June 24, 2014 – Shir xasaasi ah oo laggaga hadlayo arin la xidhiidha jinsiyada uu qaadanayo ruuxa Somaliga ah ayaa ka socda dalka Jabuuti.
Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Jabuuti, waxaa ka qaybqaadanaya dad Somali ah oo ka kala yimid Somaliya, Jabuuti, Atobiya iyo Kenya.

Shirkan oo qabashadiisa ay ka dambeeyaan dawladaha Kenya iyo Atobiya, ayaa la doonayaa in wax laggaga badalo Qodob ku jira dastuurka Somaliya oo muhiim u ah jirtaanka ummada Somalida.

Qodobkan oo muujinaya midnimada dadka Somalida, waxaa la sameeyey sanadkii 1962. Waa qodob baadi sooc ah, waayo ma jiro aduunka ruux labo Aabe leh ama labo hooyo leh “dad Somali ah iyo dal Somali”.

Qodobkan iyo qodobo badan oo ku jiray dastuurkii Somaliya, ayaa laggaga saaray shirkii dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Somalida loogu qabtay dalka Kenya.

Qodobka Jinsiyada ruuxa Somaliga ah oo hore looga saaray dastuurka, ayey dhawaan dib ula soo noqdeen sharcidajiyaasha Somaliya.

Shirkan oo sharci daro iyo meel ka dhac ku ah sharcidajiyaasha Somaliyeed, ayay Atobiya iyo Kenyaba doonayaan in ay dastuurka Somaliya ka dhex fushadaan danahooda.

Waxaa iswaydiin leh waa maxay sababta Kenya iyo Atobiya u doonayaan in ay wax ka badalaan dastuurka dalka Somaliya, iyada oo ay xiligan dawladi ka jirto dalka Somaliya?

Kenya iyo Atobiyaba, labaduba waxay sharci daro ku haystaan dad iyo dal Somaliyeed, kuwaas oo ku hoos dulman xukunkooda, maadaama ayna Somalidu la jinsi ahaynd [Ethnics].

Labadan dal, waxay saldhig u yihiin burburka iyo kala daadsanaanta dawlad la,aaneed ee ka jirta dalka Somaliya. Waxayna ka shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dib dhalashada qaran Somaliyeed oo awood dawladnimo leh.

Somalidu waa hal qoomiyad oo leh, hal jinsi, hal af, hal diin iyo hal dhaqan geeska Afrikana kama jirto qoomiyad wadaagta intaas oo la eg Somalida.

Dadka ka qaybgalaya shirka Jamuuti badankoodu ma matalaan rabitaanka dadka Somaliyeed ee ay haystaan Atobiya iyo Kenya, wixii ka soo baxaana waa sharci daro.

Ujeedada shirkan lagu faragalinayo dastuurka dalka Somaliya, waa in Atobiya iyo Kenya ay u helaan sharciyad ay dhibaatayn karaan dadka Somalida ah ee ay gumaystaan, kuwaas oo xuquuq buuxda u leh Somalinimada.