Shir Sanadeedkii Jaaliyadda Somalida Ogadeeniya ee North America oo la Qabanayo June 6, 2009

 

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomalida Ogadeniya ee ku dhaqan North America [USA iyo Canada] in la qabanayo shirkii sanad laha ahaa ee ay Jaaliyada Somalida Ogadeeniya  isugu iman jirtay sanad walba xiligan.

Shirka sanadkan oo lagu qabanayo  MPLS Convention Center, waxaa ka soo qayb gali doona oo marti noogu ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaden [JWXO], oo hogaaminayo  gudoomiyaha Jabhada ONLF ENG. Salahdin Abdiraxman Xaji Macow iyo hogaanka Jaaliyaadka iyo arimaha bulshada Col. A/wali Xuseen Gas.

Waxaa kale oo shirka ka soo qaybgali doona xubno fara-badan iyo wafuud ka-kala imaan doonata dhamaan gobolada uu ka kooban yihiin dalalka Mareykanka iyo Canada.

Hadaba si aad uga qaybqaadato shirka waxaa Muhiim ah in aad xili hore ogaato goobta iyo goorta, waan tan hoose ku qorane ha ilduufin;

Address: 1301 2nd Ave S Minneapolis, MN 55403

Time: 2: pm to 9: pm

Date: June 6, 2009

*Waxaa kale oo shirka lagala socon karaa Aalada Interka [Palltalk, qolka shir sanadlaha jaaliyadanet
ogadenia Minneapolis live].

Waxaanu idin lee nahay ka soo qaybgal wanaagsan iriduhuna idinka ayey idiin furan yihiin.

MIDNIMO>> MINTID>> ISKUTASHI>> GUUL>> IYO>> GOBONIMO