DDS oo Shir Beeleed ku Qabatay San-Xaskule

 

SanxaskuleJijiga, Apr 30, 2014 – Shir abaabulkiisu mudo socday ayaa ka furmay maanta Tuulada San-xaskule oo kala badha gabalada Nogob iyo Jarar.

Shirka San-xaskule waxaa abaabulkiisa leh Ugaas Axmed Yuusuf Habane, oo mudo dheer olole ugu jira sidii uu beesha Maalinguur gude iyo dibadba uga reebi lahaa halganka gobonimodoonka iyo ONLF.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya madaxwaynaha degaanka Somalida, waxaana uu socon doono muddo labo bari ah, waana kii kowaad ee noocan ah oo ka dhaca degaanka. Shirkan ayaa lagu macneeyey tima tuurasho, ujeedo gaara leh.

Dhawr shir beeleed ayaa hore uga dhacay gabalka Jarar, laakiin way ka duwanaayeen midkan maanta ka furmay Tuulada San-xaskule

Dawlada Atoobiya ayaa lacago fara badan ku bixisa shir beeleedyo ka dhaca dibada iyo gudahaba, kuwaas oo ay ku doonayso in ay ku burburiso halgankan xornimodoonka ee ay wado ONLF.

Abaabulada iyo lacagaha faraha badan ee loogu yeedho horumarinta, ayaa waxba ka qaban la,a iskudayga Atoobiya, maadaama ay iyadu tahay dhibaatada ugu badan ee ka jirta degaanka Somalida.