Shir Balaadhan oo ku Saabsan Dhismaha Isbitaalka Dhoobley, Somaliya oo ka Dhacay Magaalada Manchester (UK).

 

Manchester – Britain [May 25, 2009] – Shirweyne si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Manchester hoteelka layiraahdo Eastern Pearl 22/05/09, kaas oo ay kasoo qaybgaleen dad tiradooda gaaraysa ilaa 95 qofood oo kakoobnaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee degan magaalada Manchester qaybaheeda kala duwan, iyo wax garad isugu jiray rag iyo dumar.
Marti sharafka shirka waxa uu ahaa Honourable Tony Lloyd oo ah xubin kujira baarlamaan lagana soo doorto bartamaha Manchester (Manchester Central Constituency). Sidoo kale waxaa iyana goobjoog ka ahaa shirka Paul Morris oo ah lawyer udooda xuquuqda Somalida qaxootiga ah xaga immigrationka iyo Martin Rathfelder oo ah xubin katirsan xisbiga Labourka.

Shirkan oo ahaa mid loogu talagalay in taageero samafaleed loo helo isbitaalka laga dhisayo Dhoobley ayaa kadib markii lagu furay shirka aayadaha Quraanka kariimka ah iyo wacdi kooban oo uu jeediyay Sh Abdalla Farah, imaamka masaajidka Al Furqaan, ayaa shirgudoomiyaha shirka oo ahaa Xaashi Muuse oo kamid ah odayaasha sidaweyn looga qadariyo magaalada machester wax uu makrafoonka kusoo dhaweeyay Dr Cabdi Caydiid Xiirey oo soo bandhigay warbixino laxiriira mashruuca isbitaalka oo isugu jiray maqal iyo muuqaal kana hadlay heerarkii kala duwanaa ee uu mashruuca isbitaalka soo maray iyo haatan halka uu marayo.

Waxaa sidoo kale ladhagaystay warbixin ay soo gudbiyeen gudiga isbitaalka oo kusugnaa goobta dhismaha kasocdo, codsi iyo baaq taageero oo kuwajan dadwaynaha
Soomaaliyeed, Jaaliyadaha dibada, dadka kheyrka jecel, hay’adaha samafalka oo ay kaga codsanayaan inay ka qayb qaataan hirgalinta dhismaha isbitaalka kuwaasi oo si adag ugu dhiirigaliyay dadkii kasoo qayb galay in loogu tabaruco kaalmo samafaleed mashruuca balaaran ee isbitaalka.

Waxaa iyana goobta shirka kalmado kooban kajeediyay xubnihii shirgudoonaka iyo martisharaftii shirka oo kala ahaa, MP Tony Lloyd, Xaashi Muuse, Prof Xuseen Xaaji Fiiqow, Sheikh Abdalla Farah, Maxamed Sh Maxamuud iyo xiriiriyaha shirka Abdi Yonis kuwaas oo si adag ugu dhiirigaley dadkii ka soo qaybgaley shirka in loogu tabaruco kaalmo samafaleed mashruucan balaadhan ee Isbitaalka. Waxaa iyana kalmado kooban oo dhiirigalin ah, soona jiitay quluubta dadweynihii kasoo qaybgalay shirka soo jeediyay Mudane Ahmed Cilmi oo ah samafale uolaleeya dadka soomaaliyeed oo kudhibaataysan dhamaan gobolada ay Somaliya kakooban tahay, iyo Xirsi Jama Gaani oo ah ganacsade Soomaliyeed oo degan Manchester.

Ugu danbeyntii shirkan oo si xoogle loogu taageerey Mashruuca Isbitaalka guud ee Dhoobley ayaa loogu yaboohay kaalmo wax ku ool ah oo waxtar balaaran ah ayaa si habsami aheyd ku dhamaaday iyadoona goobta shirka loogu balanqaadayIsbitaalka Dhoobley General Hospital lacag gaaraysa $11920, waxaa iyana xusid in mashruucani samafaleed ee Isbitaalka ay bulshaweynta Somaliyeed ee degan Manchester balanqaadeen inay door wax ku ool ah kaqaadan doonaan hirgalitiisa.

Shirka waxa uu kudhamaaday si heer sare ah, iyadoo Dr Cabdi Xiirey iyo Prof Xuseen Xaaji Fiiqow oo ah howlwadeenada Isbtiaalka si weyn ugu mahadceliyeen Bulshaweynta Soomaaliyeed iyo dhalinyaradii iskusoodubariday shirka.

Waxaa diyaariyay Adam Abdirahman.