Shir Balaadhan oo Beesha Absame Uga Furmay dalka South Africa

 

Capetown – [rs] – Waxaa Maanta Magaaladda Capetown ee dalka South Afrika ka furmay Shirweyne ay halkaa ku leedahay Beesha Absame iyo Adeerkood, Shirkan oo Maanta furmay ayaa waxaa ka soo qayb galay Ergooyin Farabadan oo ka kala yimid Gobaladda uu ka kooban yahay dalka South Afrika.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa la filayaa In lagaga tashan doono Arimaha Beesha Si gaar ah, si Guud ahaana Arimaha Soomaalidda iyo Xaaladaha Cakiran ee ka jira inta badan Dhulalka Soomaalidu Dagto ee Geeska Afrika, Waxaana la filayaa in gabagabadda Shirka halkaa lagu dhis doono Maamul ay yeelato Beesha Absame iyo Adeerkood.

Soo xidhitaanka Shirkan ayaa lafilayaa in lagu Marti Qaadi Doono Dhamaanba Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka South Afrika Maamuladda Ay leeyihiin, Anana Waxaan ku Dadaalaynaa in aan idiin soo Gudbino Waxyaabaha Kasoo Baxa Shirkan Iyo Maamulka Lagu Dhiso intaba.

rasaas.co