Shir ay Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee Qadar Xalay Isugu Timid.

 

Shir balaadhan oo xalay ka dhacay magaalada Dooxa ee dalkan Qadar, ayaa waxaa ka soo qayb galay nin lagu magacaabo Anwar Deeq Cabdi Xirsi ahna wiilkii ay sababtiisa u burburtay unugta Jwxo ee Qadar. Anwar wuxuu mudo dheer ahaa gudoomiyaha unugta Jwxo ee dalka Qadar waxaana eeddo u ah ina xirsi mahad oo ah gabadh hore loogu diiday XUSEEN NUUR BUCUUDO mar uu soo doonay.

Bucuudo ayaa isaga oo arintaa aargoosigeeda mudo dheer ka shaqaynayay, ayuu ku guulaystay in uu Anwar daaqada ka tuuro, arintaasi waxay dhalisay arbushkii ugu waynaa ee jwxo soo dhex gala oo socday mudo sadex sano ah. Arintaasi waxay keentay in laba qaybood loo kala saftay ay unugtii Qadar oo ahayd meesha uu dhaqaalaha ugu balaadhan ee qurba joogta laga helo in aan maanta hal dollar laga soo xaraynin.

Arintaasi waxay saamayn balaadhan ku yeelatay burburkii qurba joogta ee beelaha ogaadeen gabi ahaanba meel walbana way taabatay.

Hadaba habeenkii xalay ahaa shir ka dhacay Dooxa, waxaa lagu qaban qaabiyay sidii loo samayn lahaa gudi nabadoon ah, kuwaas oo qaybta hore noqon doona gudi ka howl gala qurba joogta khaliijka carabta, sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka Somalida ogadeniya, heshiis balaadhana loola gali lahaa dowlada Itoobiya shacbigana looga qaadi lahaa cuna qabataynta iyo baabi’ska lagu hayo mudada dheer ee labaatanka sano ah.

Arintan waxaa aad loogu lafa guray rajada ku xidhan qoriga iyo rajada ku xidhan nabada waxaana si wayn u soo shaac baxday in xiligii qoriga hadafkiisii lumay lana joogo xiligii ay bulshadu dhigi lahayd.

waxayna Jaaliyada Qadar ku heshiisay in dhamaadka bishan la magacaabi dooni gudi, gudigaas oo ay ka dambeeyaan rag muhiim ah oo u dhashay beesha ogaadeen, kuwaas oo ku balan qaaday in ay gudigan howshiisa aad u fududayn dooonaan inta ay gudigu ka dhamaynayaan hawlaha loogu jiro nabad samaynta.

Gudiga la sameeyey ayaa gudi iska dhex doorandoonta kulankooda ugu horeeya oo dhici doona todobaadyada soo socda.

Doxa; Rasaas.com