Shaqaalaha Gabalka Dhagaxbuur oo Mushaarkoodii Dhawr Bilood Loo Diidey

 

Jijiga – Ogadeeniya [May 5, 2009] – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Shaqaalaha Dawladda aysan wax mushaharo ah qaadan ilaa dhawr bilood, Mushaharo la’aantan ayaa Maamulka Gobolkaas ku sheegay in Shaqaalaha aan la siinayn wax mushaharaad ah ilaa oy la dagaallamaan Jabhadaha dagaalka kula jira Guumaysiga.

Shaqaalahan ayaa cabasho badan usoo gudbistay Dawladda ku sheegta balse aan looba jawaabin iyadoo marwalba loogu inay dagaal dagaal buuxa kala hortagaan Mujaahidiinta, amase ay soo sheegaan dadka xidhiidhka la leh dagaalyahanadaas.

Sidoo kale waxaa Shaqaalahan lagu eedeeyay inaysan wax taakulayn ah ku bixin hawlaha lagu marin habaabinayo dhalinyarta Gobolka Dhagaxbuur kuwaasoo loogu sheego inay ka qayb qaataan waxa loogu yeedho Sugida nabadgaliyadda Deegaanka.

Haddaba Guud ahaan Shaqaalaha Dawladda ee ka hawlagala Degaanka ayaa iyagu aan helin xuquuqdooda shaqo, iyadoo inta badana Mushaharaadka laga cuno oo ay ka cunaan kuwo maamul ku sheega, mararna qaar waxaaba dhacda in bilo dhan aan la siin wax mushaharaad ah iyadoo marmarsiinyo looga dhigto inaysan u hoggaansanayn awaamirta jahwareersan ee Dawladd ku sheegta, tanina waxay qayb ka tahay tacadiyada aan xuduuda lahayn ee lagu hayo Shacabka Degaanka.

Dhanka kale waxaa mar kale Magaalada Dhagaxbuur ka maqan Isgaadhsiintii dhinaca Telefanada iyadoo aan lagaranayn sababta loo gooyay balse horay loo jaray marar badan sidan oo kale Isgaadhsiinta magaalada Dhagaxbuur.

Source: S/galbeed