Shabakada Internet-ka Hormuud oo Waraysatay Gudoomiye Xigeenkii Ururkii Nabada ee ONLF

 

 Abdirashiid Shariif, oo hore u ahaan jiray gudoomiye ku xigeenkii ururkii ONLF ee nabada la galay Ethiopia sanakii 2010, ayaa ku biiray mid ka mid ah Axsaabta siyaasada ee dalka Jarmalka, ayaa waraysi siiyey bogga Internetka ee Hormuud.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu mudo sanooyin ah xubinaha taageersan xisbiga Green Party, oo hada u xushay Abdirashiid in uu galo golaha degaanka ee magaalada Stuttgart.

Cabdirashiid ayaa waraysigiisa ku sheegay in sababta uu xisbigan u doortay ay tahay siyaasada ururka Green Party oo u xaglisa dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Jarmalka.

Waxaa kale oo uu Abdirashiid sheegay in nabadii uu qaatay ururka ONLF, oo uu isagu ka mid ahaa masuuliyiintii ugu sareeyey, ay nabadii ay qaateen dhamaystirantay 95%.

Cabdirashiid ayaa sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay Ethiopia, gaar ahaan degaanka ismaamulka Somalida oo ay xaaladiisu xiligan aad u wanaagsan tahay arimaha horumarinta ee ka socda iyo nabad galiyaduba.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhagayso
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/shariif.mp3]

rasaasa.com