Saraakiishii Kenya ee afduubatay madax ka tirsan ONLF, oo si KMG loo sii daayey.

 

IMG_912501-C97A20-E7B694-30E6BE-4BE43D-5CA03ASaraakiil ka tirsan Boliska Kenya, kuna eedeysan Afduubkii loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Jabhadda ONLF oo damiin lagu sii daayey.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Ciiddanka Boliska Kenya, ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taala magaalada Nairobi, kuwaas oo ku eedeysan Fal-dembiyeed la xiriira in ay gacan ka gaysteen  Afduubkii loo gaystay Labo Mas’uul oo ka tirsan Jabhadda Xorreynta Ogaadeeniya (ONLF), oo lagu kala magacaabo Sulub Abdi Ahmed iyo Ali Ahmed Hussien.

Hawlgalka afduubka oo ay iska kaashadeen Saraakiil ka kala socota Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ayaa dhacay bishii hore ee January 31-dii, waxaana Labada Mas’uul ee ka tirsan Jabhadda ONLF loo gudbiyey gudaha dalka Ethiopia.

Madaxa Dembi-baarista ee Boliska Nairobi, Nikolas Kamwende iyo Markhaatiyaal kale ayaa si cad u qiray inay Labada Sarkaal ee afduubka geysteen kuwii rasmiga ee ka dambeeyey afduubkaasi.

Garsooraha Maxkamadda ayaa ugu dambeyntii  oggolaaday in Labada Sarkaal ee Boliska bixiyaan lacag  debaaji oo dhan 2 million oo Kenya Shillings, si loo sii daayo.

Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in mar kale la soo maxkamadeeyo, iyadoo Dowladda Kenya weji-gabax ku noqotay afduubkaas loo geystay Labada Mas’uul ee ka tirsan Guddiga Fulinta ee Jabhadda ONLF.