Sanadka Cusub iyo Sadaasha Somalida Ogadeeniya

 

qormada maanata waxaan ku eegaynaa sanadka cusub iyo saadaasha dhulka Somalida Ogadeeniya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasada iyo colaada gabalka. W/Q H Magan

Dhulka Somalida Ogadeeniya oo ah xudunta deganaasho la,aanta Geeska Afrika ee qaringii dhamaaday ayey dhibaatadiisu salka ku haysaa nolol xumada ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya.
Dhulka Somalida Ogadeeniya oo ka mid ah dhulalka ay Somalidu leedahay ayaa waxaa gumaysta dalka Itobiya, waana dhulka ugu balaadhan uguna khayraadka badan ee Somalida.

Itobiya oo ka mid ah dalalka aduunka ugu saboolsan ayaa gacanta ku haysa dhulka Somalida Ogadeeniya. Sidaas daraadeed ayeyna xukuumadihii kala dambeeyey ee Itobiya waligoodba xil isaga saarin in ay ka qayb galiyaan dhulka Somalida Ogadeeniya horumarinta iskaba yar ee ka jirta Itobiya.

Mushkilada ugu weyn ee deganaansho la,aanta keentayna waxaa ugu wacan saboolnimada ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya, waxaana mar walba dhulkan ka jiray firxad dad iyo fikir colaadeed oo hor leh [NFD waa la mid Ogaden, nolosha ayaana ugu wacan nabada ka jirta].

Dalka Itobiya waxaa muddo 19 sano ah xukuma Jabhadii hore loo odhan jiray Tigray People Liberation Front [TPLF] oo kolkii dambana isu rogay Ethiopian Peoples Revolutionary Democratic Front [EPRDF]. Waxaa iyana dagaal kula jiray 19kaas sano ururka Ogaden National Liberation Front [ONLF] oo isagu u dagaalama sidii uu dhulka Somalida Ogadeeniya uga gu,i lahaa dalka Itobiya.

19 sano ee ay dhulka Somalida Ogadeeniya dagaaladu ka socdeen, waxaa dadweynaha soo gaadhay dhibaato weyn. Xukuumada Itobiya waxay dadweynaha la gashay dagaal adag iyada oo u aanaynaysa in ay taageeraan ONLF, dhibaataynta dadweynaha ee xukuumaduna waxaa uu noqday mid caalami ah. Dhanka kale Jabhada ONLF oo ku shaqaynaysa afkaarta dalka Eritrea, ee ay colka yihiin dalka Itobiya, ayaa iyaduna dhibaato weyn u gaysatay dadweynaha.

Dib u dhaca iyo gaajada ayaa xad dhaaftay dadka ku nool dhulka Somalida Ogadeeniya, eeda dhibaatooyinka dadweynaha waxaa inta badan qaata dawlada Itobiya, sababta oo ah iyada ayaa masuul ka ah dadweynaha, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay wax ka qabato.

Dhaqaalaha: Dhawrkii sano ee ugu dambeeyey, waxaa muuqda hirgalin mashaariic aan sidaasi u balaadhnayn, balse ah kuwo aan ka daraynin, oo ay ka mid yihiin adeegyo caafimaad oo yar yar, isgaadhsiin yar, waxa barasho tayo yar, biyaha nadiifta ah oo wax yar laga qabtay Iwm, mashaariicdani waxay ku kooban yihiin gabalada Jijiga iyo Shiniile, gabalada kale way ka qatan yihiin, waxaan la qarin karin in markii ugu horaysay 120 sano oo ay Itobiya gacanta ku haysay dhulka Somalida Ogadeeniya in uu haatan socdo jid laami ah, oo xidhiidhindoono qayb ka mid ah dhulka Somalida Ogadeeniya.

Waxaan aaminsanahay horumarintan yar ee ay ka wado xukuumada Itobiya dhulka somalida Ogadeeniya in ay ugu wacan tahay cadaadis uu caalamku ku hayo iyo cambaaraynta ay wadaan aqoonyahan ku nool dibadaha iyo ururka ONLF oo muujiya in Itobiya ayna dan ka lahayn dadweynaha Somalida Ogadeeniya, dagaalka ay wadaana ay ugu wacan tahay dhibaatada haysata dadweynaha.
waxaana la isweydiin karaa hadii uu ururka Onlf joojiyo dagaalada, caalamkuna ka aamuso Itobiya ma sii wadi in ay horumarin ka samayso dhulka Somalida Ogadeeniya?

Colaadaha: waxaa aad u muuqata xiligan in uu wiiqmay dagaalkii uu waday ururka ONLF, laggagana guulaystay dalka gudihiisa, arintaas oo ay masuul ka tahay ONLF. Sida ay sheegtay Itobiya ma jiraan wax ciidan ah oo u hadhay ururka ONLF, waxayna noqdeen wax la dilay iyo wax la qabtay. Waxaa dhab ah in uu wiiqmay cududii iyo Niyadii ururka ONLF, waxaana suurto gal ahayn in uu xiligan yimaado abaabul hore leh. Waxaase suurto gal ah in xukuumada Eritrea ay fadqalae ka sii wado xuduuda dalka Somaliya oo isagu dawlad la,aan ah.

Dhinaca siyaasada
: mushkilad xoog leh oo shacab ayaa haysata ururka ONLF, waxaana ku adag in masuuliyiinteedu ay dadweynaha taageera ururku ka niyad jabeen, taas oo ay ugu wacan tahay siyasad xumo. Ururka ayaa u kala jaban labo garab oo midkood saldhig ku lee yahay Eritrea, balse aan haysan taageerada dadweynaha, garabka kale ayaa waxaa uu haystaa taageero dadweyne. Guud ahaan niyada ay dadweynuhu u hayaan ONLF ayaa taagan heer hoose, Kaalinka 5aad ayaa jeclaan lahaa in uu ka faa,iidaysto taageero uu ka helo qurbo joogta Somalida Ogadeeniya.

Waxaa muuqata in sanadkan cusub uu ahaandoono mid uu sii kordho burburka ururka ONLF, lumininta siyaasada dibada, la,aan taageero dadweyne. Xukuumada Eritrea ayaa iyadu sii wadi doonta soo abaabulka dad tiro yar oo sii arbusha nabad galiyada dhulka Somalida Ogadeeniya, kuwaas oo intooda badan ka hawl galidoona gabalada xadka la leh Somaliya.

Xukuumada Itobiya ayaan iyadu badalaynin siyaasadeedii ahayd cadaadiska dadweynaha Somalida Ogadeeniya, iska horkeenka masuuliyiinta maamulka Kaalinka 5aad iyo hoos u dhigida mashaariicda horumarinta madaama uu ka yaraanayo culayskii siyaasadeed ee kaga imanayey dhinaca ururka ONLF.

Waxaa ay xaalada dhulka Somalida Ogadeeniya sii ahaandoontaa mid aan talaabo horumar qaadin, nabadgaliyada, colaadaha waxaa sii hurin doona saraakiisha Itobiya ee jooga dhulka Somalida Ogadeeniya oo iyagu ka macaasha nabad la,aanta.