Saddex Sano Ka Dib Dilkii Dr. Maxamed Siraad Dolal

 

Maanta waxaa laga joogo saddex sano geeridii Eebe ha u naxariistee Dr. Maxamed Siraad Dolal,  waxaana mudan  in la isweydiiyo  maxaa isbadal ah oo ku soo kordhay siyaasada geeska Afrika iyo waxa u kordhay kooxdii dishay Dorktorka.

Dr. Maxamed Siraad Dolal, wuxuu ahaa xubin muhiin u ah jiritaanka ONLF, waxaana lagu dilay Baarguun oo ka tirsan gabalka Shabeele ee dhulka Somalida Ogadeniya bishii Jaunary 17, sanadakii 2009. Dr.Dolal waxaa xabad dhul xorayn loo gaday ku dhuftay dhalinyaro ka mid ah midhihii Jabhadii uu abuuray August 15, 1984, isaga oo ku guda jira shaqada ONLF.

Dr.Dolal dilkiisa waxaa amabaray Maxamed Cumar Cismaan, oo ay saaxiibo dhaw mar ku ahaayeen ONLF, sababana uu ahaa in Maxamed Cumar Cisman uu madax ka noqdo Jabhada ONLF.

Waxaa la sheegay in amarka lagu dilay Dr. Dolal, ay wax ka ogaayeen Maxamed Ismaaciil Cumar, Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey iyo Cabdiqadir Xasan Hirmooge [aw cadaani].

Dilka Dr. Dolal, waxaa kale oo ka qayb qaatay,  Cabdulahi Af-waranle, Daa,uus, Maxamed Amni oo dhintay iyo Khadar Daarweyn oo dhintay. Marka laga reebo Cabdulahi Af-warane dhamaan xubnaha ka qayb qaatay dilka Dr. Dolal, waxay ahaayeen xubno ka tirsanaa Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadenia intii ayna burburin.

In kasta oo meelo badan lagu daabacay magcyada dadka dilay Dr. Dolal, hadana wali ma dhicin cid dadkaas ka mid ah oo si guud iyo si gaarnimo midna dhinac isaga dhigtay dilka Doktorka. Inkasta oo wixii loogu marmarsaday dilka Dr. Dolal iyo wiilal badan oo kale uu maanta dhamaaday, waxaan marna dhamaanayn xigmada Somaliyeed ee ah “libaax nin ganay iyo nin galadayba ogg.”

Dilka Dr. Dolal, waxay ku salaysnayd oo kaliya aragtidiisa siyaasadeed ee ONLF, oo ahayd in Jabhadu ka leexatay tubtii siyaasadeed iyo ujeedadii loo abuuray, doonayeyna in uu wax saxo kaliya. Dr. Dolal, wuxuu in badan ku celcelin jiray ONLF, waxay indhaha la gashay xidh cidla ah, waxayna dib u gali doontaa diiwaanka arggagixisada, kaas oo laga saaray sabadkii 2001. Waxaan hubaa in saadaashaasi run noqotay.

Dr. Dolal waxaa uu ahaa aqoonyahan siyaasi ah oo ku takhasuusay cilmiga taariikhda afafka iyo barashada bulshada, waxaana uu lahaa hadaf adag oo ku aadan gabalka Ogaden.

Dr. Dolal, wuxuu ahaa geesi caan ah, oo hal adag, helina og hadalka eray bixintuna aad ugu fududahay, eraygii uu mar yidhaahdan noqon jiray mid ay dadku wada isticmaalaan.

Dr. Dolal, intuu noolaa,  wuxuu ku dadaalay in uu aduunka ka dhaadhiciyo qadyada gabalka Ogaden, waxaa kale oo uu isku dhabar jabiyey in uu dadka Somalida ah, gaar ahaana kuwa gabalka Ogaden ka dhaadhiciyo in Ogaden ay tahay dal isaga oo siiyey magacyada ‘Ogadenia, Ogadeni, Ogadenis’ oo intuba sifaynayaan dadka iyo dalka.

Halganka ONLF,  Dr. Dolal, kaligii baa waday:

Dr. Dolal, waxaa uu ahaa xidiga ONLF, waxaana la aaminsanaa in uu yahay gudoomiyaha ururka ONLF, lakiin waligii ma noqon gudoomiyaha ONLF, marka laga reebo mudo gaaban oos garab ONLF ah hogaaminayey. “Dadku lacag in ay helaan iyo in ay shaqeeyaan, lacag in ay helaan ayey hormariyaan bilaash in aan ummada ugu shaqeeyo ayaan diyaar u ahay” Dr.Dolal 2008.

Aragtida Dr. Dolal, aragti ka gadisan waxaa qaba Maxamed Cumar Cismaan, oo Akoon magaciisu ku qoran yahay ay lacagta Qaaranka ee ururku ku dhici jirtay. Sanadkii 2000,  Ninbaa waydiiyey gudoomiye lacagta qaaraanka ruux kale ku wareeji Maxamed Cumar Cismaan baa yidhi “hadaad gudoomiye iga dhigateen ma lacag baad igu aamin la,adihiin.”

Dr. Dolal dhimashadiisii waxaa ka naxday cid taqaanay iyo cid aan aqoobna, Intii taqaanay ilaa hada, kolka la hadal qaado way ilmeeyaan, arintaasi waxay muujinaysaa in uu ahaa shakhsi aad loo jeclaa oo door weyn ku lahaa siyaasada geeska Afrika. “Qabiil buu qaran naggaga dhigay” ayaa laga sheegay dad ku hiifayey waxtarkiisa fogaaday.

Xaalada Deganaka Somalida:

Xaqiijintii geerida Dr. Dolal, waxaa dirba bilowday mucaarad iyo colaad xoog leh oo ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya kala horyimaadeen ururka ONLF, oo uu Dr. Dolal ka mid ahaa. Labo micne ayey mid lahayd in ONLF lala coloobo; khaladka lagu dilay in laga xumaaday iyo in loo arkayey in ONLF, ayna la,aantii soconayn.

Taageerayaashii Jabhadu waxay bilaabeen in ay taageeraan garab ONLF, ah oo uu hogaaminayey Dr. Dolal, waxaana lagu qabtay shirar dhoola tus ah meelo badan oo adunnka ah.

Somalidu waxay tidhaa “nin iyo xoolihiis ma kala hadhaan,” taageero kasta oo ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya siiyeen garabkii uu ka baxay Dr. Dolal iyo mid kale toona Eebahay ONLF garabkeedii wuu ka baxay. Calool xumo iyo cadowtinimo, ayaa soo kala dhexgashay taageerayaashii Jabjada ONLF, ka dib kolkii ay iyadu is dishay.

Ethiopia isla markiiba waxay ka jawaabtay dareenkii dadweynaha waxayna ciidamadeedii madaniga ka daad guraysay gabalka Ogaden, iyada oo dhinaca kale kordhisay ciidamadii u dhashay degaanka Somalida oo kalsooni buuxda ka helay dadweynaha.

Muddo sanad gudihiis ah waxaa isbadashay dabayshii colaada waxaana la dareemay isbadal. Sheekh Ibrahin Maxamed Xuseen, oo aan isleeyahay waa ninka ugu siyaasisan Dr. Dolal dabadii Jabhadihii ka dagaalamayey dhulka Somalida Ogadeeniya, waxaa uu dareemay hufada xooga badan ee socota. Wuxuuna dareemay in waxyeelo mooyeen uusan wanaag imanayn nabad la,aan.

Sanad gudihii waxaa dhacay labo heshiis nabadeed oo dhexmaray dawlada Ethiopia iyo labo ka mid ah Jabhadihii hore dagaalka ugula jiray dawlada. Saxiix nabadeed ka hor waxaa furmay mawjado dadweyne ah oo dirba galay gudaha dalka, ruux walba oo u dhashay gabalka Ogaden meel uu joogaba heshiis nabadeed buu halkiisa ku qaatay.

Ethiopia waxay bilowday soo dhawaynta dadweynaha nabada qaatay, dirba wufuud dawlada ah, ayaa dibadaha tagay si diirana loogu dhaweeyey, hilow iyo isu oomanaan ayaa dhexmartay dawlada iyo dadkii colaadu u dhaxaysay.
Waxaa jira dad leh dhimashadii Dr. Dolal, ayaa sababa u ah in ay nabad qaataan Jabhaduhu iyo kuwa leh dhimashadii Dr.Dolal, ka dib ayey Ethiopia nabad dareentay ogolaatayna heshiis.

Hal garab, oo uu hogaamiyo Maxamed Cumar Cismaan, oo ah ninka dilay Dr. Dolal, ayaa diiday heshiis nabadeed. Mar laga waraystay BBc-da, sanadkii 2010 ayuu isaga oo cadhaysan yidhi “nabad dooni mayno nabad dooni mayno, dagaal baan rabnaa“, hadlkaas oo loo arkay in uu ahaa masayr uu keenay heshiiska ay jabhaduhu la galeen Ethiopia isaga ka hor hoosna u dhigay qiimihii garabkiisa.

Saddex sano ka dib, gudaha gabalka Ogaden waxaa ka jirta nabadgaliyo buuxda, waxaana si xawliya uga socda mashaariic waxtar u leh nolosha dadweynah degaanka Somalida Ethiopia. Gabi ahaanba waxaa sii dabo yar magacyadii iyo halku dhagyadii ay isticmaali jirtay Jabhaduhu, gudaha iyo dibadab.

Marka laga reebo galgalasho kaga timid degaanka Somalida dhinaca Somaliland, oo ay ONLF, ahaayeen labo dhoomood oo isceshada. Arinkaas isudheelitirka ah way muuqataa maanta in kolkii ONLF, meesha ka baxday uu maamulka Somaliland noqday jawaan masago ah oo tolmihii laga fuary.


Dhawaan ayay warbaahintu qortay in la filayo heshiis dhexmara koox ka hadhay ONLF [oo la yidhaahdo UBO], oo uu hogaamiyo Maxamed Cumar Cismaan.Waxaa la sheegay in ugu damayn uu heshiisku dhacayo dhamaadka bishan January. In kasta oo ay jiraan warar sheegaya in Maxamed Cumar Cismaan ay ku diideen heshiiska xubnaha kooxdiisu isaguna diiday in uu gudoomiye ahaado, arintuna u egtahay aamus iyo eber.

Jabhada ONLF iyo SNM Somaliland lug weyn ayay ku lahaayeen colaada aan dhamaadka lahayn ee ka socotay dalka Somaliya, arimo iyaga u gaar ah dartood. Ethiopia, marna raali ma ayna ahayn in Somaliya ay noqoto meel colaad laggaga soo abaabulo, waana taas sababta in ay lugta kala bixi waydo siyaasada Somaliya. Ethiopia xiligan way ka maarantay dhibaatadii xuduuda Somaliya, waxayna samaysay ciidan u dhashay degaanka Somalida Ethiopia oo sugaya nabadgaliyada xuduuda iyo degaankaba.


Waxaa muuqata in xaalada Somaliya ay caga dhigayso, kana dhalan doonto dawlad Somaliyeed oo fara-baran, oo aan ka kibrin talada Afrikanka.  Waxaana socota in dalka Somaliya uu noqdo dalka dalalka Afrika ugu dimoqraatiyada badan, waayo beelaha Somaliyeed ayaa loo sheegay in ay beel waliba meesha ay leedahay ka samaysato maamul noqda mid wax lagu qaybsado dawlada wadaaga ah ee mustaqbalka.

Xoogagii Isceshanayey ee ONLF iyo SNM:

Sida la sheegay, ONLF iyo SNM, waxaa u dhaxeeyey heshiis qarsoon oo aan la ogayn xadigiisa iyo xeeladiisa midna. Laga bilaabo 1996, marinka xubnaha ONLF  iyo marinka wax u soo maraan wuxuu ahaa Somaliland, taas oo sii xoogaysatay, kolkii uu xidhiidh dhexmaray Eritrea iyo ONLF. Mar kaliya ayey ONLF wax uga dageen koonfurta Somaliya, waxay ahayd 2006. In kasta oo ay Somaliland qabatay xubno ONLF ah gaysayna Ethiopia, masuuliyiinta ONLF, marna si toos ah uma cambaarayn Somaliland.

Ethiopia, waxaa ugu horaysay in uu xidhiidh ka dhaxeeyo ONLF iyo Somaliland sanadkii 2010, markii ciidan ONLF, oo aad u niyad jabhsan ay ka soo dageen xeebaha Somaliland wax yar uun ka hore inta ayna ONLF saxiixin heshiishkii nabadeed.

Intii xiligaas ka dambaysay Ethiopia iyo xidhiidhka Somaliland wuu furfurtay, waxaana soo baxay waxyaabo badan oo marna ayna Ethiopia heshiis kula sii ahaan karin Somaliland. Waxaa muuqata in xooggagii wada shaqayntu u dhaxaysay ayna kala dhiman karin.

Waxaa muuqata in xaalada Somaliya ay caga dhigayso, kana dhalan doonto dawlad Somaliyeed oo fara-baran oo aan ka kibrin talada Afrikanka.

Isku soo duub waxaad moodaa in siyaasadii gulufka ee geeska Afrika iyo hadafkii Siyaasadeed ee Dr. Dolal, ee ku aadanaa Jabhada ONLF in casharkaasi xidhmay cid sii wadi kartaana ayna jirin.

Waxaa la sugayaa in Somaliya ay ka dhalato dawlad nabadeed oo ay aduunku sameeyaan sida tii jarmalka taas oo aan go,aankeed ah ku socon doonin wixii hada ka dambeeya.

Waxaa iyagu gabi ahaanba ka baxaya saaxada siyaasadeed ee geeska Afrika, ururka ONLF iyo SNM Somaliland, oo midna Somali noqon midna Ethiopia.

Waxaa cusub oo ku soo biiray jiritaanka geeska Afrika dawlada degaanka Somalida Ethiopia, oo u muuqata midii ka baajin lahayd colaad iyo gashiga ay Ethiopia u qabto Somalidu.

Akhri Warbixintan


Maxamed Yuusuf Shiil
myuusufshiil@yahoo.com

rasaasa.com