Saddex Mayd oo Laga Helay Xabsiga Jijiga

 

Jijiga, May 2014 – Saddex ruux oo mayd ah ayaa laga helay xabsiga Jijiga, May 1, 2014, kuwaas oo isla shalayba lagu xabaalay darbiga Xabsiga, warkan waxan ka helay shaqaalaha Xabsiga.

Saddexda ruux ee dhimatay oo rag ah ayaan la garanayn sababta ay u dhinteen. Maydkooda waxaa laga helay qol ka mid ah Jeel Ogadeen oo ay ku xidhnaayeen. sadexda nin ee dhimatay ayaa magcyadooda lagu sheegay Cali-jeex, Xasan Mahad iyo Cabdikariin.

Sadexda nin ee dhimatay ayaa la sheegay in ay hore uga tirsanaan jireen ciidanka Jwxo, waxayna xabsiga ku jireen muddo dheer.

Maxaabiista dhimatay ma jirin cid ehel ah oo xidhiidh la soo samayn jirtay, sida la sheegay, kolkii la xabaalayna ma jirto cid ehel ah oo loo sheegay ama soo xiidhiidhay.

Sida la sheego Jeel Ogadeen, waxaa ku jira maxaabiis badan, kuwaas oo qaba dhibaato xoog leh. Jeelka looma ogola in ay booqdaan ururada bisha cas, laanqayrta cas iyo ururada xuquuqda dadka midna.