Ruuxi ku Dooda Jwx-shiil iyo Kuwa la Socda waxay u halgamayaan dhulka Somalida Ogadeeniya waa beenaale!

 

Aduunka waxaa jira dad badan oo ku magac bixiyey halgamo dhaadheer oo ay u soo galeen dadkooda iyo dalkood, dadkaas halgamayaalka ah, qaarkood way ku guulaystaan halganka oo farxada ayey la qaybsadaan dadkooda kolka ay xoroobaan. Qaarkoodna waxay ku dhintaan halganka ay ku jiraan, dabadeedna waxaa lagu xasuustaa shaqadii ay u soo qabteen dalka iyo dadka, taas oo ugu filan wanaag iyaga, ehelkoodna wuu kaga samraa iyaga oo ku qanacsan hawsha uu ruuxaasi ku baxay in ay ahayd mid uu u galay ruuxaasi dadka oo dhan ee uusan u galin qoyskiisa.

Waxaa dhab ah, ruuxa halgamaaga ah wuxuu uu go,aa oo kaliya danta guud, wuxuuna meel iska dhigaa dan gaarka ah, waxaan marna maskaxdooda galin tabcasho hanti. Ruuxaas waxa ehel u ah kuwa halganka saaxiibka u ah, waxaa ka xaaraan ka ah nin jeclaysi, waxaa kale oo ka xaaraan ah maamul jeclayi.

Hadaba, kuwa halgan ku wada jiraan, waxaa ay dadka kale kaga duwan yihiin xumaan isuma quudhaan, way isu hiiliyaan aakharo iyo aduunba, waxayna isku aaminaa mabda,a kaas oo hadii sida ay isugu aamineen loogu dhaqmo lagu gaadho guul aduun iyo mid aakhiro.

Waxaan maanta qodabkan u soo qaadanay, waxaad moodaa in halganka Somalida Ogadeeniya iyo kuwa halganka wadaa ayna sidaas ahayn ee uu halgankeenuba yahay xin, qabiil, madax noqo iyo waliba iyada oo halgankeena uu ruuxu galo marka uu shaqo la,aan yahay oo kaliya, kolka uu shaqo helana uusan danba ka lahayn wax halgan la yidhaahdo.

Hadaba, halganka ku sifooba astaamahaas ma laga yaabaa in uu guulaysto? Jawaabta oo gaaban waa maya.

Bal aan dib u milicsado, halganka iyo kuwa halganka noo wada; Halganka Somalida Ogadeeniya waxaa uu la bilowday halgamadii Afrika, gaar ahaan kuwii ka socday dhulalka Somalida, laakiin waxaa ay dadka Somalida Ogadeeniya xiligaas ahaayeen kuwo ay ku yar tahay tayada Aqoontu.

Xornimadii Somaliya ka dib ayuu ku bilowday si xin-qooq ah oo daba ka riix ah, waxaana uu ku dhamaaday kacdoonkii 1964, khilaaf iyo danahayga ayaan raacan. 13 Sano ka dib 1977, ayaa waxaa xigay kacdoon kale oo isaga laftiisu ahaa dhabar ka taabasho iyo gadaal ka riix, halgankan dambe kolka uu bilowday waxaa uusan ahmiyad siinin taariikhdii iyo qiimayntii ay lahaayeen dadkii la kufay halgankii 1964, kaliya waxaa la xasuustaa uun ruuxii ugu dambeeyey ee madaxda u ahaa [Makhtal Daahir], xitaa lama xasuusto kii isaga uga horeeyey.

Waxaa halgamadaas xigay mid aad moodaysay in uu fikirkiisu ka duwanaa, kuwii ka horeeyey 14 sano ka dibna sanadkii 1991[1984 magac umbuu ahaa], waxaa saaxada siyaasadeed soo galay Jabhad kale oo xambaarsan fikir ay dadku aad ugu riyaaqeen [Jwxo], oo hadii si dagan oo aan madax adayg lahayn loo wada hadli lahaa aan xiligaas, aan hubo in meeqaan fiican ay joogi lahayd maanta ummada Somalida Ogadeeniya. Madax adaygu waa dhib intiisa la egg oo wax uu dumiyo mooyee aan wanaag keenin. Dhalin yaro yar yar iyo dad aqoon leh ayaa waday fikirka [Jwxo] waxayna aaminsanaayeen in halganka ay dadweynuhu lee yihiin loogana baahan yahay in uu wado, runtiina waa lagu raacay waayo fikirka ay wateen ayaa ahaa ka ay raaceen dadyowga gobonimo doonka ahi.

Nasiib daradii ugu weynay waxay soo baxday kolkii ay Itobiya malab dhigtay iyada oo leh waxaa la idin siiyey maamul hoosaad, kaas oo kolkii horeba ay diideen, ayaa dadku ma sinee qaar ka mid ahaa xubnaha Jabhada oo muhiim ahaa ay noqdeen macaan jecel iyo xukun doon. waxaana ka mid noqday dadkii ka soo go,ay ururkii Jwxo, rag ay ka mid ahaayeen [Cadaani, Taflow, Ismaacill San-wado iyo Siyaad Badri] oo kuligood galay maamulkii kilalka 5aad ee ugu horeeyey. Waxay meel iska dhigeen ma,baadiidii uu ururku lahaa oo waxay jeclaysteen xukun. Kuwa diiday ee ku adkaystay fikirkii jabhada waxaa ka mid ahaa [Sheekh Ibrahin, Axmed Cabdi Xukun iyo Dolal] ragan oo da,ahaan ka weynah kuwa galay Kilalka ahaana aqoon yahano.

F.G dadkii kilalka ka qayb qaatay ee ka jooga laga waayey waa laga saaray golaha dhexe ee ururka ONLF iyo masuuliyadihii kale ee ay ururka u hayeen.

Arintii maamul ee sirta ahayd dirba way is bedeshay [gumaysigu wanaag ma leh ninkaan garanse yeelkiise], waxaa dirba ay Itobiya bilowday in ay layso dad badan oo xubno ahaa balse maamulka galay. Waxaa carar bilaabay xubnihii laga kariwaayey in ayna shaqo u doonan Itobiya, sanadkii 1994, waxaa qaxootinimo u galay dalalka dariska xubno badan oo Jwxo. Xubnihii Jwxo ee dibada joogay waxay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan sidii ay u keeni lahaayeen saaxiibadoodii qarada wayn, dalalka reer galbeedka si halganka halkaas looga sii wado.

Waxaa ka mid ahaa dadkii ka fa,iidaystay ee ku yimid visa ay Jwxo u dirtay [Madeey, Diirane iyo Khalis iyo eebe ha u naxriistee Professor Aboole], waxayna bilaabeen in ay xoojiyaan halganka. Waxaa kale oo soo galay dalalka reer galbeedka xubno badan oo isugu jira kuwo ururka laga saaray iyo kuwa ka mid ahba.

Waxaa kale oo ururka si,aan la filaynin hogaankiisa u qabtay nin aan hore u ahayn xubin iyo kaadir midna, muddo gaaban ka dibna waxaa uu ururka lagu soo celiyey xubno hore looga caydhiyey ururka oo uu ka mid ahaa Cadaani Hirmooge [Taliyihii ugu horeeyey ee Booliska Kilil5]. Waxaana uu isu muujiyey Cadani in uu ahaa halgamaa xornimo doon ah ilaa yaraantiisii [haduu durdur iyo dabaal galo doofaar waligii ma daahirsamo], waxaana loo ogolaaday in uu galo golaha dhexe ee Jwxo oo uu in muddo ah ka maqnaa.

Muddo kooban ka dib waxaa mar labaad soo baxay khilaaf ururka Jwxo dhexdiisa ah, markan waxaa furfurmay fikirkii xornimo doon ee ay aaminsanayd Jwxo, waxaana bilaabtay; hanti abuurasho, xukun jacayl, qabyaalad iyo nin jeclaysi. Dadka ay arimahaasi ka suurto galeena waxaa kow ka ah, Indhuubo iyo Qaaxo oo si khaldan lugta ugu martay Jeneraal Jwxo-shiil.

Mar saddexaadna waxaa salka dhulka ku dhufsaday halgankii Somalida Ogadeeniya sanadkii 2006 khilaafka dartii, Waxaana labo noqday ururkii JWxo, oo mid uu madax u noqday Dr. Maxamed Siraad Dolal iyo Maamulkii dhacay ee Maxamed Cumar Cismaan oo diiday in sharciga la raaco, lana go,ay qaar badan oo ka mid ahaa xubnaha Jwxo.

Qayb labaad oo ku saabsan wixii dhacay ayeynu qormo 2aad ku soo qaadan doonaa.

Arimaha siyaasada
rasaas.com