Roob Xoog Leh oo Wax Yeelay Shaykoosh iyo Birqod

 

Kebridehar, Apr 28, 2012 [ras] – Degmooyinka Shekosh iyo Birqod oo ka tirsan gabalka Qoraxeey ayay waxyeelo gaadhsiiyeen daa,ad ku soo rogmaday oo ay keeneen roobab ka da,ay degaanadaas labadii maalmood ee ugu dambaysay.

Roobab lixaad leh oo wata dabaylo ayaa waxay ka da,ayaan dhamaan degaanka Somalida Ethiopia kuwaas oo leh faa,iido iyo khasaare labadaba.

Wali lama sheegin wax khasaaro dad ah oo uu gaysta roobka ka da,a degaanka Somalida, marka laga reebo khasaare guryo iyo beero ay daa,adku ka dilaaciyeen faraqyo.

Dadka ayaan wali qaadan miigaha si ay u abuurtaan beeraha iyaga oo ka shaki qaba in uu kala joogsado roobka xaysku, in kasta oo ay jiraan meelo badan oo uu ka socdo tacabka beeruhu.

rasaasa.com