Roob La,aan ka Jirta Degaanka Somalida Ogadenia

 

Ogaden droughtJijiga, Apr 22,  2014 – Abaar roob la,aaneed oo laga soo sheegayo in ay ka jirto dhamaan gabalada degaanka Somalida Ogadeeniya.

Wararka laga helayo degaanka, ayaa sheegay in ay jirto abaar Roob la,aaneed oo adag. “Xiligan oo kale waxaa di,i jiray Roobka gu,a wayna dhaaftay xiligii la sugayey in uu da,o Roobka Gu,u” sidaas waxaa yidhi Caagane Macalin Gaarane oo degan magaalada Godey.

Dadwaynaha ayaa muujinaya cabsi oo ay ka qabaan calaamadaha Roob la,aanta ee ka jirta degaanka, waxayna culimada diintu samaynayaan roob doon.

Roobka guga waxaa la sugeyey in uu bilowdo bishii March. Hadii la waayo roob inta lagu jiro bisha April, waxaa sidaas lagu waayey roobka gu,ga, taas oo dhibaatadeeda leh.

Marka la gaadho dhamaadka bisha May, waxaa lagama maar maan ah, in dadwaynaha degaanku ay helaan raashin iyo biyo, waayo waxaa is raacaya saddex xili oo roob la,aan ah.