Roob Khaasare Gaystay oo Xalay ka Da,ay Magaalada Qab-Dahare

 

Kebridehar rainJijiga, May 7, 2014 – Xafiiska warqabada Rasaasa News ee magaalada Jijiga, ayaa noo xaqiijiyey in xalay fiidkii ay ka da,een magaalada Qabdahare robab wata dabayl xoog leh.

Roobka oo dhawr saacadood da,ay, ayaa waxaa horsocday dabaylo xoog leh oo dumisay guryo dhawra. Roobka laftigiisa ayaa keenay khasaare naf iyo hanti guryo oo dumay.

Wadada laamiga ah ee magaalada dhexmarta oo aan lahayn meelo ay biyihu maraan ayaa sababtay khasaarah badankiisa, ka dib kolkii ay buux dhaaftay kuna jabtay xaafadaha. Biyaha ayaa qaaday guryo badan oo jidka saaran.

Waxaa ka dhashay roobkan khasaare isugu jira naf iyo maalba. Waxaa burburay guryo gaadhaya 13 guri, waxaana dhintay inta la xaqiijiyey haweenay aanaan wali magaceeda helin.