Riwaayadii Sirta Dawacad

 

Qormo kale Riwaayadii Sirtii Dawacada, waa silsilad sheeko ay bilawday kooxda Jwxo-shiil, ka dib kolkii ay afduubtay shaqaale ka tirsan hayadda WFP, bishii May 13.

May 30, Kooxda Jwxo-shiil, waxay maanta qortay qoraalkeedii 7aad, oo ku saabsan Riwaayada Sirta Dawacada, waxayna tidh “Dawlada Ethiopia ayaa wada olole ciidan oo ay ku doonayso in ay ku disho shaqaalaha WFP, oo aan ka soo furanay May 26keedii, saldhiga ciidamada Ethiopia ee Galaalshe. Shaqaalahaas oo ay ciidamada Ethiopia afduubteen May 13keedii xili ay ku safrayeen Jidka u dhaxeeya Fiiq iyo Jijiga.”

Qaybta 7aad, ee qormada maanta ay qortay kooxda Jwxo-shiil, ayaanu hore ugu saadaalinay dhamaadkii qoraalkanagii 1aad. Waxaanu sheegnay in ay kooxdu dili doonto dadka ay afduubtay, sidii ay hore u samaysay, ka dibna ay odhan doonaan Ethiopia ayaa dishay shaqaalaha WFP.

Sheekada aan isla soconin ee Jwxo-shiil, ee haysashada shaqaalaha WFP, ayey cid waliba ogtahy in ay iyagu haystaan. Sheekada ayaana meel xun maraysa oo ah; hadii ay siidaayaana shaqaaluhu runta way sheegi doonaan, hadii ay dilaana oo ay dhababaan horeba way u samayn jireen.

ololaha ay sheegeen in Ethiopia ay wado waa kii ay ku dili lahaayeen shaqaalaha masaakiinta ah.

rasaasa.com