Ree Awdal u Adkaysan Waaye, Ciil iyo Gumaad Joogta ah

 

Borama, December 07, 2011 [ras] – Maamulka Somaliland oo ninba reerkiisii u noqday lagana cabsi qabo in uu dagaal xun ka dhex dilaaco beelihii Somaliyeed ee inta badan nabada ku wada noolaa. Somali oo dhan waxay ka qiiroonaysaa xumaanta iyo ciilka ka muuqda dadkan Somaliyeed.

Beesha Somaliyeed ee Gudabiirsi, ayaa dhibaato wayn waxaa ku haysa maamul beeleedka Isaaq. Waxaana mudo dheer ka taagnayd cabasho iyo biyo cantuugsanaan ku saabsan  dilalka quudhsiga ah iyo dal boob joogtada ah ee beeshan Somaliyeed lagu hayo,  maantase waxaa muuqata in talo faro ka baxayso wax Eebe u kala gooyaba.

Cuqaasha beesha Samaroon oo ciil badan wajiyadooda ka muuqdo ayaa saddex bari u qabtay beesha Isaaq in ay ku keenaan dadkii laayey marxuumiin saddex ah oo lagu dhex gawracay guryahooda iyaga oo hurda.

Galabta ayaa degmada Dila laga taagay calanka Awdal state, waxaana la gubay calanka Somaliland. Waxaana lagu balamay in maalinta bari ah calanka Awdal State laga taago magaalada Borama, waxaa kale oo la sugayaa in isla maalinta bari ah ay Borama yimaadaan madaxda dawlad gabaleedka Awdal state.

War lagama hayo waxa uu yeeli doono maamulka Somaliland, hadiise ay dhacdo in ay xoog ku muquuniyaan, waxaa laga yaabaa in beelaha Somaliyeed ay soo faragaliyaan.

Daawo Cabashada iyo Ciilka ka muuqda culimada iyo cuqaasha beesha Somaliyeed ee Samaroon.

[jwplayer mediaid=”5491″]

Ugaaska

[jwplayer mediaid=”5509″]

 

rasaasa.com