Rafashadii Ugu Danbaysay Ee Kooxda Ina Cumar Cismaan

 

Waxaa Maalmahan Soo Badanay oo Ay Shacbka Reer Ogadenya La Yaaban Yihiin Gorgortan Hadheeyay Meelaha Fadhi Ku Dirirka aha [fadhi ku dharaga] Ee Ay Shacabka REER Ogadenya Qaxootiyada Ku Yihiin, Sida Wadanka KENYA IYO YEMEN OO Labaduba Ay Joogaan Shacab Fara Badan oo Qaxooti aha oo Reer Ogadenya aha,

Waxaa Wax Lala Yaabo Ay Ku Tilmaamayaan Shacabka reer Ogadenya Iyo Aqoonyahankuba, Waxa Kasocda Goobahaas oo aha in ” Hadii aad Rabtid Inaad Lacag Heshid Ay Kaa Xigto uun Inaad taageerto Kooxda Ina Cumar Cismaan”, Waxaana Kaa Xiga oo Kaliya Inaad Garaacdo Taleefoonka Jananka, iyo Kan Cadaani, Sheegatana INaad Taageersan tahay Kooxdooda, Iyadoo Loogu Magacdaray Barnaamijkaas “Lacagtii XORaynta Wadankeena Ma Xasaradan Ayaa Ka Danbaysay”- Taasoo Macnaheedu yahay, Lacagtii Wadanka Lagu Xoraynayay ee Dadka Sidaan Arkay Urafaadsan Laga Qaadayay ,Waxay maanta Maraysaa,aan Kutaageeree Mijinta{Qaadka} Yaanan Waayin….!!!

Waxaa Arintaas Ay Si aan Gabasho lahayn Uga Socotaa Wadamada aan Kor Kusoo Sheegay Iyadoo Anigu aan Indhayga Ku Arkay Mida Kasocota XERYAHA Qaxootiga ee Kenya, Mida YEMEN Ka Socotana uu IISheegay, Nin Aqoonyahan aha oo Halkaas Jooga

Qoraalkan Qoraalka Xiga Waxaan Kusoo Bandhigi  Doonaa Hadii Loo Baahdo, Ilaa Hadeer Magacyada aan hayno ee Lacagta Lasiiyay iyo Qof walba Lacagta uu Qaatay iyo Intay La,egtahay, iyo Xawaalada LOOSOO Dhigayba,

Waxaa kaloon Ku Qeexi Doonaa Idamka Alle, inta Sugayaasha aha ee Muujiyay inay Kooxdaas Taageersan Yihiin iyo Waxa Loo Balan Qaaday, Iyadoo La Yidhi Beelaha Reer Ogadenya Waa Inaan Beeshiiba Ka Hellaa Ugu Yaraan 10 Qof- Markii Lawaydiiyay Maxaad kawadaan Toban Qof kaliya Wayba Yartahaye, Waxay Si Toos aha Usheegay JANANKA, Oo Yidhi “Nafta Waanu Ku Meer Meerinkarnaa Ilaa Wakhti kale, Biilashuna Way Saxmayaan, Dadka YURUB Joogana Waxaanu Ka Dhaadhicinay,Inaan Taageerayaal Badan Leenahay, Si Lacagtu Usocoto…….!!!!

XUSUUSIN- Waxaa Layaab Leh In garabka INA Cumar Cismaan ee JWXO UUSAN Ku Ekayn Qaaraan Urursigiisu Meelaha Wax laga Helo ee Yurub oo kaliya, Laakiin Labadaas Wadan ee aan Soo Sheegnay ee KENYA, IYO YEMEN Waxay Bishii Ka Uruursadaan Midkiiba Lacag Gaadhaysa 2,500$ Ugu yaraan, Waxa lacagtaas Laga qaadayana Waa dad Baahan oo Qaxooti aha, Laga Yaabana inay Jaariyadnimo Ku Hesho Lagana Yaabo Inay Nafteeda iyo Ciyaalkeeda Kasoomiyaan ,iyagoo Is Leh wadan Ayaa LAGU xoraynayaa…. Yaa Miskiin…..!!! Yaa Miskiin,

Iyadoo aan Ognahay In lacagtaas Laguna Beec-mushtaro, Xaasaskana LAGU Biisho , HOTEELADANA Lagu SEEXDO, OO Ay Wiilashii Duurka Joogay Gaajo Udhimanayaan…..!!! Iyagoo Raamo lehna Isa Soo Dhiibayaan markay Gaajada U adkaysan Waayaan……!!!

Waxaa Kaloo Shacabka Reer Ogadenya Qaadan waa Ku Noqotay, Iyadoo Laleeyahay Lacagihii Jaaliyaduhu Ururinayeen,Waxaa loo Diray Gudihii oo Wiilashii Loogu Talagalay ayaa Lasiiyaa, Hadana La Arkayo Niman Lacagtii Ku Beec Mushrataya oo DUBAI-na Dukaano Dahablayaal aha Kaga Furtay, Jabuuti-na Sidoo Kale, Sida:-  Abdalla Ahmed Rashiid Afwaranle oo Markii Kaah DUBAI Laga Eryay Lagu Sasabay Lacagtaan Qabso Iyo C/Raxmaan Hasan Abdulaahi oo Isaguna Ahaa Wakilkii ONLF-GarabkaIna CUMAR CISMAAN EE Jabuuti,Intaan Xilka Laga Qaadin,Lacago ay Jabhadu Lahayd oo uu LUNSADAY Awgeed ,oo Hadeerna Layidhi GEESKA AFRIKA Ayaad Uga Tahay Wakiil, Lacagtan Lagu Ganacsanayo, iyo Raga Kale ee Hawsha Loo Xilsaaray….!!!

Hadaba Bulshada Reer Ogadenya Waxay Xaqiiqsatay in Wakhtigii Madadaaladu Ay Dhamaatay, Lana Gaadhay Wakhtigii Shacabka Yurub joogaa iyo Kuwa Qurbaha Kale Joogaaba ay Ogaan Lahaayeen Dhagar Qabayaasha Wiilashoodiina Dadbka Ku Shubaya, Lacagtii Qaaraan Ahaan Wadanbaa La XORAYNAYAA, Lagu Qaadayna Ku Shaqaysanaya….!!!

GABA-GABADII :- Waxaan Filayaa Inay Dadka YURUB Joogaa Garteen, Xaqiiqda Jirtaa, Laakiin Kuwa Afrika iyo Carabaha Jooga Ayaa Wali Lacag Lagaga Cunaa Wadan Ayaan Xoraynaynaa Meel Waa Hore Lagu Kala Tagay….,

NOTE:- Waxayna Wararkii Ugu danbeeyay Sheegayaan In Ninwalbaa Inta Gacantiisa Ku Jirtaa uu Diidan yahay inay kabaxdo Markii uu Ogaaday In Xaaladu Marayso KALA GUUR-Kii Ugu Danbeeyay……..!!!!

Aad Ayaad Umahadsan Tihiin

daljire225@hotmail.com

rasaasa.com