Raali Galin Macaamiisha iyo Bishaaro Roobkii Guga oo Bilowday

 

Jijiga, Apr 11, 2012 [ras] – Waxaanu ka raali galinaynaa macaashiisha sharafta leh ku xidhan bogga rasaasa.com, mudadii koobnayd ee aanu hawda ku kala maqnayan.

Waxaanuna macaamiisha ugu bishaaraynaynaa in Magaalada Jijiga uu ka bilowday roob xaysa oo hordhac u roobka guga, roobkaas ayaa aad loogu diirsaday iyada oo aan la filaynin in uu xiligan da,o roobku.

Dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia ayaa si wanaagsan ugu farxay roobkan oo gaadhsiisan dhamaan gabalada galbeed ee degaanka Somalida Ethiopia.

Roobka gu,ga ayaa bilowday badhtamaha bisha shanaad ee May sanad walba, sanadkan ayuu ka soo hormaray xiligii uu di,i jiray, arintaas oo calaamad fiican u ah sanad barwaaqo.

rasaasa.com