Qurbojoog ku Dhaawacay Qulquladaha Dir-Dhaba

 

Dir-dhabaJijig, May 14, 2014 – Magaalada Dir-dhaba, oo ay baryahanba ka jireen dagaal u dhaxeeya Shacabka Oromada iyo Somalida, ayaa waxyeelo loogu gaystay dad shacab ah oo ka soo jeeda labada dhinac.

Dadka Somalida ee ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaalkan, ayaa waxaa ku jira wiil Qurbojoog ah oo Sabtidii ka yimid Jijiga.

Wiilkan oo aanan wali magaciisa helin, ayaa toori laggaga dhuftay garbaha dhexdooda, waxaana la dhigay Isbitaalka Bilaal. Wiilka dhaacamay ayaa la sheegay in uu ka yimid dalka Ingriiska.

Qulquladahan ka socda magaalada Dir-dhaba, ayaa la sheegayaa in ay abaabushay dawlada Atoobiya, ka dib kolkii uu xidhiidh wanaagsan dhex maray Jabhadaha ONLF iyo OLF.

Ciidanka Liyuu Booliska ayaa la sheegay in ay si xun ula dhaqmeen ardayda Oromada ah ee dhigata Jaamacada Jijiga. Kuwaas oo tiradooda lagu sheego 70% ardayda Jaamacada. Waxaa kale oo ay ciidanka Liyuu Boolisku waxyeelo gaadhsiiyeen dad Oromo ah oo degan magaalada Jijiga.

Cadaadiska lagu hayo dadka Oromada ee loo adeegsanyo Somalida [LB], ayaa sabab u ah baa la leeyahay qulquladaha ka jira magaalada Dir-dhaba.

ONLF iyo OLF ayaa samaynayey bishan banaanbaxayo isdabajoog ah oo laggaga horjeedo Atoobiya, kuwaas oo ka dhacay aduunka oo dhan May 6-12, 2014, kaas oo gilgilay siyaasada dibada iyo mida gudaha ee Atoobiya.