Qurbo-joogta Beesha Maqaabul oo Soo Saartay Baaq ay ku Taageereyso Nabadda ka Socota Degaanka Somalida.

 

Rochester, 20-Sep-2010 – Waxaa nala soo gaadhsiiyey nuqulka baaq ah oo ay Qurba-joogta beesha Maqaabul ku taageereyso heshiisyada nabada ee u dhaxeeya dawlada federalka iyo ururka ONLF.

Iyada oo ay wali iska soo dabadhacayaan baaqaqa iyo bayaanada ay jaaliyaadka deegaanka ku taageerayaal ololaha nabadda ee deegaanka Soomaalida, ayuu baaqa ka soo baxay waxgaradka iyo aqoonyahanka jaaliyadda beesha Maqaabul u qornaa sidan:

Baaq iyo Taageero nabadeed oo ka soo Baxay Beesha Maqaabul

Bismilaahi Raxmaani Raxiim,

Intii ka dambeysay Heshiiskii dhexmarey Jabhadda UWSLF iyo Dowlada Federaalka Itoobiya iyo isfahamka iyo wadahadalada u socda Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF, ayaa waxaa soo baxayey ifafaale nabadeed oo hadheeyey dhamaan gobolada Dowlad Degaanka Soomaalida ee ay xarunta u tahay magaalda Jigjiga.

Haddaba Beesha Maqaabul oo iyagu si weyn ula socdey isbadalada ka dhacayey gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay yeelatey shirar isdaba joog ah oo ay kaga arrinsanayaan wax yaabaha ku soo kordhay gobolka, shirarkaasi oo isugu jiray kuwo si fool ka fool ah u dhacey iyo kuwo loo adeegsadey habka isgaarsiinta ee loo yaqaano (Teleconference) ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu go’aansadey in si buuxda loo taageero dhamaan heshiisyada Nabadgelyada ee ka socda dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay beesha Maqaabul (Makaahiil iyo Reer Sacad) ee ku nool Waqooyiga Mareykanka (USA Canada) cadeynayaan inay garab taagan yihiin wax kasta nabad u keeni kara dhulka Soomaalida Itoobiya, Sidoo kale Beeshu waxay Hambalyo iyo Taageero u gudbinaysaa Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo Maamulkiisa oo aanu ka fileyno inuu barwaaqo iyo horumar gaarsiiyo dadka iyo dalka uu xilka u qaadey.

Haddaanu nahay Ugaasyada, Salaadiinta, aqaanyahanka iyo haaweenka Beesha Maqaabul waxaan si aan hagar lahayn u taageeraynaa gacan buuxdana usiinaynaa habsami u socodka iyo nabadeynta gobolka Soomaalida Itoobiya.

Talo soo jeedin:

Waxaan kula talinaynaa DDS in ay siiwaddo heshiisyada iyo wadahadalada ay la galeyso cid kasta oo nabad gelyada iyo horumarka gacan ka geysaneysa. Sidoo kale, waxaan Dowladda Degaanka Soomaalida ku dhiiri galinaynaa inay ka shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi is aaminaad iyo is cafis la dhex dhigo dhamaan umadda u dhalatey Degaanka Soomaalida
Itoobiya.

Amaan:

Waxaan si wada jir ah amaan iyo bogaadin ugu soo jeedinaynaa Madaxda Dowladda Degaanka sida qiimaha badan ee ay dadka qurba Joogta ah ugu soo dhaweysay inay dalkooda ku soo laabtaan, isla markaana ay maalgashi ku smaeystaan dhulkooda hooyo.

Baaqan waxaa si wada jir ah usoo saarey dadka magacoodu hoos ku qoran yihiin iyo kuwa kale oo badan oo ayna suurta gal noo ahayn inaan halkan ku soo wada daabacno magacyadooda:

1. Maxamed Faarax Rafle
2. Nabadoon Cismaan Xusseen Cabdi
3. Maxamuud Carte Macalin
4. Axmedsahal Suldaan Cali Saafi
5. Dr.Cabdi ayaanle Suldaan Duulane
6. Xasan Cabdi Faarax (Qoryooley)
7. Maxamed Cabdullahi Guuleed (Shaarub)
8. Faarax Maxamed Aadan
9. Maqadin Duulane Guuleed
10. Maxamed Cabdi Faarax
11. Axmed Gaarane Guuleed
12. Maxamed Cabdi Odowaa
13. Cabdicasiis Sheekh Nuux
14. Cabdiraxmaan Maxamed Cali Good
15. Ruqiya Maxamuud Cabdi
16. Maxamed Xusseen Cabdi
17. Mukhtaar Axmed Xasan (Fanax)
18. Cali Waceys Cumar Guuleed
19. Gaydh Sh. Maxamed Cali Xaashi
20. Sh.Yuusuf Sheekh Ibraahim
21. Dheeman Maxamuud Cabdi
22. Sheekh Cabdullahi Cabdi
23. Maxamed Xasan Yuusuf
24. Cabdirashiid Cali Faarax
25. Cabdirashiid Axamed
26. Cabdullaahi Raabbi
27. Maxamed Xasan Yuusuf
28. Cabdullaahi Keydsane
29. Suleymaan Maxamed Xusseen
30. Maxamuud Cali Mahdi
31. Aadan Xasan Yuusuf
32. Siciid Yuusuf Shiil
33. Axmed Cali Xusseen
34. Dheeman Axmed Garaad
35. Ruqiya Carte Macalin
36. Sooc Sheekh Axmednuur
37. Axmed Cabdi Xusseen
38. Bacaluul Cali Khaliif
39. Cabdullahi Sheekh Cumar
40. Daauud Maxamed Xusseen
41. Uurmaax Carte Macalin
42. Khadar Sheekh Axmed Wali
43. Maxamed Yuusuf Taani
44. Ciise Maxamud Baandey
45. Basra Carte Macalin
46. Maryama Carte Macalin
47. Maxamed Adan Yuusf Cagalaab
48. Qasaali Xasan Cali
49. Maxamed Ibraahin Soomow
50. Shamso Xasan Xarbi
51. Khadiijo Calai Gooni
52. Cali Maxamed Sulub
53. Guuleed Cali Xaashi
54. Daahir Xasan Cabdille
55. Farxaan Cabdi Yuusuf
56. Deeq Carte Macalin

F.G. Baaqani wuxuu daba socdaa, isla markaana xoojinayaa baaq ay Beeshu ka soo saartay magaalada Jigjiga horaantii Bishan September 2010.

Wa Billaahi Towfiiq

Wixii dheeraad ah kala xidhiidhka:
Emailka: cismanwali@hotmail.com