Jwxo-shiil, Dhaqan-dhaqmeedkan Xun Xagee Buu ka Keenay?

 

Jwxo-shiil, waxaa uu ka joogaa Jananadii  Jabiyey Jamruuriyadii Qarankii Somaliyeed, maantana waxaa taariikhda u gashay Jwxo-shiil, in uu Jabiyey Jabhadii wadaninga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo].
Hadabada qormadan maanta waxaan ku bayaaminaynaa, bal taariikhda qoyska Jwxo-shiil iyo sidii ay uga qayb qaateen jabkii Jamhuuriyadii Somaliya iyo burburka Jwxo.

Afada Jwxo-shiil, waxay ku dhalatay miyiga Demada XUDUR HADAMO, Gabalka Bakool ee Somaliya, sanad aan la garanaynin. Waxay ka soo wareegeen qoyska reer macalin gabalka Bakool taariikhdu markay ahayd 1945kii dhamaadkii dagaalkii 2aad ee aduunka (wwII). Qoyska reer Macalin waxay soo dageen magalada QABRIDAHARE ee gabalka Qoraxeey ee Ogadeniya iyada, walaalkeed Abdi-Nuur iyo labadoodii waalid.

Qabridahare waxaa qoyska ugu dhashay Maxamed Macalim oo hada Jwxo-shiil u ah Gudoomiyaha Jaaliyadaha dibada, joogana Canada. Eebe ha u naxariistee labadoodii waalid waxay ku xijaabteen Magalada Qabridahare waxayna aasan yahiin xabaalaha caanka ah ee Qabridahare Xabaal-wayeel.

Doolkii waxay magaalada Qabridahare ku wada yimadeen Oday la odhan jirey Malaaq oo caan ahaa, magaladana biyaha u dhaamin jiray iyo Sheekh la odhan jiray Sheekh Ibraahim-Suufi oo hal hayskiisu ahaa “Hadaan diriir weyn laga ridin wallee Daharow laga durug.”  Qoyska reer Macalin waxay dib ugu noqdeen dalka Somaliya, calan saarkii Somaliya 1960kii.

Jwxo –shiil, awoowgii Cismaan Dacay markii ay dhaaftay hanti yar oo uu lahaa, ayuu ku yidhi xigtadiisii war waan qadhaab doonane xadhigaas lugta iggaga xidha oo marka cuudku idiin dhalo i soo jiida. Kolkii uu cuudkii dhalay ayey Ilmo adeeradiis oo aan iyna dhaamin Cismaan Dacay damceen in ay xadhigii soo jiidaan nasiib daro xadhigii aboor baa dhexda ka kala gooyey, markii la soo jiiday sidaas ayaa lagu wayeey ilaa iyo maanta meel uu jaan iyo cidhib dhigay aan la ogeyn.

Markaas labadisii wiil Omar oo Jwxo-shiil aabihii ahaa iyo Ali oo adeerkiis ahaa, ilma Osmaan Dacay laba duba waxay goosteen in ay xidhaalo geelasha ka qaataan oo ka bil ka bil qaalin sadex jir ah goostaan sidaasna geelasha ku raacaan. Sidaas bayna ku abadeen oo ku soo reero raceen, oo gundhigii iyo aas-aaskii noloshooda ahaa intii ayna tii Alle ku imaniin.

Markay mudo toban iyo dhowr sanadood ah dhowrtadii, xirsi nabadgaliyaalihii beelaha iyo xidhaladii lagu soo anqariyey ku soo ababeen oo kuray -xoog qaan gaarey noqday labo qeyd leh buu Duuflalalkii isna Jwxo-shiil u daaduumay xaggaas iyo galbeedka JIGJIGA iyo dhulka Oromada ka bilaabay xer-cilmi, halkaas oo Juzka Cama iyo Safiinu-saladka loogu bilaaby iyo waliba kitaabka Ajruumiga ah, Axadiis yar yar oo kooban iyo awalka Naxwaha iyo Qasiidooyin.

Halkaas oo ay aad iyo aad nolosha basharku ugu adkeyd sabnadaas wuxuu wax ku baran jirey isaga oo aan qoysna ku jaleyn oo aan qoysna u dhiil hayniin oo xil gaar ah ruuxna iska saarayniin wax galbeedka looga yaqaano ”soo –meero” macnaheeduna yahay soo tuugso, soo dawarso oo faraqa soo hoorso ama soo qarafeyso.

Jwxo-shiil, mudo sanado ka dib, wuxuu u hayaamay isagoo lugaha dhuudhi ka galeen darxumo badana qaba. Wuxuu gurdan raac ku tagay 1948dii – 1950kii Dakhili – qadashadii (Soamli Italia) ee koonfurta Somaliya gaar ahaana gabalka Banaadir magalada MOGADISHO. Isaga oo wali xerow ah, halkaas oo uu mawlacyada iyo masaajidyada ku taxnaan jirey si uu u badbadiyo jiritaankiisa shakhsi ahaneed dhib badan ka dib, Jwxo-shiil, wuxuu galay Macahad Carabi ah oo masaridu lahayd oo Muqdisho ku yala kaas oo ugu horeyey waxbarshada madaniga ah uguna danbeyey. Ka dibna wuxuu ka mid noqday asakartii kooxdii koowaad ee ugu horeysay ee dhibow loo qoro qaranka ciidan Somaliya, ilaa ay qarankii Somaliay ka burburo 1991kii uu ahaa.

Madaxweynihii hore Mahamed Siyaad Bare bay Odayaal ugu tageen oo ay ku dhaheen Ninkan Jwxo-shiil, in aad darajo siisid oo aad kor u qaadiid ayaan kaa codsaneynaa, Madaxweynihii wuxuu ugu jawaabay waa yahay marxabo iyo gudoon lakiin qawlkiisa macaan maqashee qalbigiisa ma ogtihiin!!.

Abwaan Mahamuud Mahamed Fidhin wuxuu gabay ku yidhi “Ina Omar Osmaan wali ma tabin taaha reerahee”.

Abwaan Qamaan Bulxana waa kii kulahaa Gabayga;

1-Baadida niinbaa kula deydaya Daalan kaa badane

2-Oon doonahayn in aad heshaan Daa`iin abid kaaye

3-Dadkuna Moodi duul wada socdoon Wax u dahsoneynee

4-Daawo malaha akhiro haddii Loo kitaab dayeyee.

Ina Osmaan Dacay iyo ninkii la odhan jirey Caydiid ee cabdullahi yusuf ku dilay Magalada Diri-dhaba waddanka Ethiopia labadoodaas oo kaliya baa sarkishii Somaliya oo dhan ka soo horjeedsaday dagaalkii 1977kii ee Ogadeniya in lagu xooreyo loo qaaday markaas.

Wuxuuna halku dhagiisu ahaa oo laga duubay markaas oo uu yidhi ina Omar Osmaan dacay “inagu waa Somaliya Hantiwadaag baynu nahay Mingistu Haylemaryamna iyo dawladiisa Ethiopiana waa hantiwadaag dawlad hanti wadaag ahna in aan weerarno ma banaana.”

Marka ma maantuu khaldan yahay oo shaluu qumanaa!! Mise shaluu qaldnaa oo maantuu quman yahay!! Mise waa dhaqaale dayday iyo jiscin raadis inta cimrigiisa ka hadhay lagu jalo.

Farsamadii kacaankii, taatigadii iyo siyaasadii xisbigii Hantiwadaag ahaa ee Somaliya waxaa soo min guurisay afada Jwxo-shiil oo ku dabakhday ONLF.

Dhismaha ay afadu kaga dayatayna sidan buu ahaa hoos ku xusan oo ay ONLF ku jaangooysay markay ONLF ahayd ee iyadu faraha la soo gashay:

1-Ciidanka xoogga dalka.

*Sirdoonka xoogga Dalka.

2-Ciidanka Booliiska.

*Hogaanka CIDda ee Booliiska.

3-Ciidanka Asluubta.

*Dharcada Asluubta ee Jeelasha ee maxabiista lagu dhexdaro.

4-Ciidanka NSSta .

*sirdoonka madaxtooyada ee khaaska ah.

5-Hogaanka Hangashta.

6-Ciidanka Guulwadayasha ah

*Hogaanka wardoonka ee guulwadayaasha.

7-Wakiilka Xisbiga Hantiwadaga.

*Kaadirka Xisbiaga.

8-Hogaanka Hooyooyinka.

*Hogaanka Sirdoonka ee Hoyooyinka.

9-Hogaanka Dhaliyarada.

*Laanta sirta ah ee sirdoonka dhalinyarada.

10-Xidhiidhka Guud ee Oryanteeshinada.

*Laamaha Oryanteeshimada

*Unugaha Oryanteeshimada.

iyo waliba in intaas in ka sii badan oo ay afadu aliftay bay ONLF u kala jajabisay oo ay labada buro iyo bayda ku gooysay, waxay dhistay gudi fulin oo cusub oo ay ka hoos dhistay Jwxo-shiil gudigisii fulinta iyada oo isga “Green light” ka haysata.

Gudiga fulinta ee cusub magacayadooduna waa sidan hoos ku xusan:

1-Korneyal Ibaraahim Dolaal Adan Dhagoole- Hogamada xidhiidhka Guud ee siyaasada iyo arimaha dibada oo jooga DUBAI.

2-Ilyaas Afwarle(Cabdalla) – Hogaamada Ganacsiga, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha Guud ee ONLF Garabka Jwxo-shiil oo Jooga DUBAI.

3-Mohamed Moaclim (Seedigii ah) – Hogaamada Jaaliyadaha Dibada iyo xidhiidhka Bulshada Guud oo jooga CANADA.

4-Labo Xidigle Boolis ahaan jirey oo reer xudur ahaa Axmed Raabi – Hogamada warfaafinta iyo is gaadhsiinta oo jooga badanaa KENYA, NAMANGA iyo LONDON, UK.

5-Dr.Yusuf Cadami – Lataliyaha Khaaska ah ee Jwxo-shiil iyo Hogaanka Jubada Hoose iyo Saldhiga ONLF garabka Jwxo-shiil ee Jubooyinka oo Jooga BIRMINGHAM, UK.

6-Mohamed Hassan (oo uu sodog u yahay Jwxo-shiil) – Hogaanka khaaska ah ee sahanka ganacsiga Bariga dhexe iyo Bariga Afrika, Saudi-Arabia, Emirates, Kuwait, Oman, Qatar, Bahrain, Kenya, Djoubt, Uganda, Tanzaina iyo Southafrica.

Oo Jooga LONDON iyo Saudi-Arabia.

7-Abdi Ali Osman (oo uu adeer u yahay Jwxo-shiil)- Hogaamada Dhaliyarada, Laanta sirta ah ee sirdoonka dhalinyarada iyo(Small Scales Businesses & Retails in GARISA, KENYA)

8-Afada Jwxo-shiil, oo ah Hogaamada keydka ,sheerarka iyo Gudoomiyaha Guud ee Haweenka Ogaadeniya oo Joogta LONDON,UK.

Murti Guud: Markaad qoraalkan dib u milicsato ee aad u dhuuxdo waxaad arkeysaa oo aad barbardhigto dhaqandhaqmeedka soo jireenka ah ee ay kala yimaadeen gabalada sida BAY, BAKOOL, Galbeedka JIGJIGA iyo Oromada Laggaga Dhaqmo Iyo kan reer Ogaadeniya farqiga u dhaxeeya ee qoskan Jwxo-shiil, Afarta fool iyo farqaha ku sitaan “Gijaadbaydnimada iyo hanti dadweyne jaceylkooda”.

Qoralkan waxaa soo diyaariyey shakhsi aad u yaqaan taariikhda qoyska.

rasaas.com