Qiimayn Kale oo ISI ku Qabatay Jijiga

 

Cabdi iley Jijiga, June 25, 2014 – Magaalada Jijiga ee xarunta Ismaamulka Somalida Itobiya [ISI], waxaa habeenkii xalay lagu qabtay xaflad lagu abaal marinayo waxqabadka shaqo ee degmooyinka ISI.

Xaflada oo lagu gunaanaday shir la sheegay in uu afar maalmood ka socday Jijig. Waxaa abaalmarin ka bixiyey Madaxwayne Cabdi-Iley, oo ay hareero fadhiyeen madaxa xisbiga Rashiid-Gandaal iyo madaxwayne xigeenka, ahna hogaanka nabadgaliyada, isla markaasna ah hogaanka cadaalada iyo garsoorka Cabdulahi-Itobiya.

Degmooyinka la abaal mariyey iyo kuwa aan la abaal marin midna lama sheegin waxa lagu abaal mariyey iyo waxa abaalmarinta loogu diiday midna. Waxaana had iyo goor qiimaynta noocan oo kale ah laggaga hadlaa horumar iyo nabadgaliyo la sameeyey, kuwaas oo runtii ku kooban uun Jijiga iyo hareeraheeda.

Ismaamulka Somalida Itobiya, ayaa afartii sano ee ugu dambeeyey, aad ugu mashquulsanaa qorshayaal badan oo la sheegay in wax laggaga qabanayo dhinaca nabada iyo horumarka.

Dadaalka faraha badan iyo ololaha ay samaynayaan madaxda ismaamulka Somalida Itobiya, oo ay dawlada dhexe ee Atobiya lacag aad u badan ku bixiso, ayaan wali keenin wax isbadal ah oo u dhigma hawsha ololha ee la galiyey.

Nabadgaliyada oo kow ka ah arimaha xooga la saaray ayeyna wali fari ka qodnayn. Jidka dheer ee isku xidha Jijiga iyo Godey, waxaa gaadh maalin walba ka qabta ciidamada federalka Atobiya, inta u dhaxaysa Qabri-Bayax iyo Godey, arintaas oo daliil cad u ah nabad xumada ka jirta ISI.

Dhinaca horumarka, waxaa la odhan karaa magaalada Jijiga, waxaa ka muuqda isbadal dhinaca dhismayaasha ah, taas oo ay sal u tahay jidka laamiga ah ee isku xidha Jijiga iyo Togwajaale. Halkaas oo ay badeecado xoog leh kka soo galaan Jijiga dhinaca Maamulka Somali land.

Dhugo

Qaddi oo shacabkaaga lacagtoodi ka qaado,
Waxqabad aan qolka dhaafin waligaa ka qisood,
Qandiggaaga ka buuxso oo qofna yuu ku ogaan,

Qandho Eebahay keenay qofna yuu cunin jaadka,
Maxflaad ka qudbee qadaf oo qof ha dhaafin,
Masaakiin ku shirqool oo shaqadii kaga qaad,

 
Qurbojoogta wareertaye dibadaa qaban waayey
Ubbay soo af qabteen iyo Tigree uuga qisood
Qolal ay ku tuntaana qarash kaaga ku qaado