Qaybtii Labaad Sheekadii Biixi Haggaag Been-hawaas,

 

Been-hawaas, wuxuu ka dhashay qoys geelay ah, kolkii uu waynaadayna wuxuu noqday Geel jire, laakiin Been-hawaas ma ahayn nin Geel dhaqasho ku fiican, waayo wuxuu ahaa nin sheeko iyo Alifaad badan.

Nolosha Geel jirenimadu waa nolol adag, waxaana laga yaabaa in aadan helin ruux aad la hadasho, sheekana hadalkeedba daa. Maalintii oo dhan Geel jirku Geela ayuu ku foodhyi habeenkiina waad seexan, noloshaas ruuxa ku jira way adagtahay in uu sheekeeyo ama loo sheekeeyo.

Nin Geel jire ah baa bari Aabihii ku yidhi; war huurada maad iska rumaydid, kolaas ayuu ugu jawaabay, kansho aan ku rumaydo ma hayo, Aabihii baa yidho oo maxaa kanshaha kaa qaaday kolkaas ayuu yidhi “maalintiina Geelaan ku foodhyaa Habeenkiina waan hurdaa, goormaan rumayn.” Aabihii baa u garaabay, waayo haduusan u garaabin Geelaa baylihi. Dadka qaadka cuna ayaa la mid ah kansho darada Geel jiraha ee xaga rumay la,aanta, laakiin iyagu inta ay Qaadka cunayaan ayey sheekeeyaan.

Hadaba, Been-hawaas oo ahaa nin Eebahay labada bishimood hadal ka saaray, waxaa ku adkaatay in uu ku jiro nolosha geeljirenimada ee xidhxidhan ee cidlada ah. Wuxuuna u soo hayaamay hundaha, oo uu deganaa Adeerkiis Dool, oo loley ahaa.

Sida ay nolosha miyigu tahay, walaalaha kala degan meelo kala durugsan, amaba haysta xoolo kala jinsi ah isku degaan ma degaan isma arkaan in dhibaato dhacdo oo ay xoolo isu soo doontaan mooyee. Adeer Dool, maqal mooyee wiilka wayn ee uu adeerka u yahay aqoon uma lahayn, laakiin wuu la socday inta sano ee uu jiro iyo waliba caruurta kaleba.

Lo,oleydu way ka kansha badan tahay Geelayda, wayna ka nasniiyo badan tahay geeleyda. Taasi waa sababta ay dhaqanka ugaga aqoonta badan yihiin Geelayeda. Dhalinyarad lo,oleydu waxay ciyaaraan ciyaaraha kala duwan wayna heesaan, wayna gabyaan, wayna isjeclaadaan.

Been-hawaas nolosha lo,oleynimada ayaa nolol wanaagsan la noqotay, kolkuu dhadhamiyey baryo uu Adeerkii la joogay. Been-hawaas wuxuu dib talo ugula noqday Aabihii, wuxuuna kula taliyey Aabihii in Geela ay lo,o ku badashaan. Aabihii baa ugu jawaabay ma in aan caydh lo,oley ah noqo baad rabtaa, kaama yeelayo arinkaas orod meeshaad doonto aad. Sidaas ayuu Been-hawaas kaga dhaqaaqay reerkooda, kuna noqday nin kaba cada oo habeenba reer ka sheekeeya.

Been-hawaas, baa wuxuu is yidhi war waakan Aabaha xoolihii kuu diiday, Lo,ona ma lihid oo habeenba reer baad martidaa bal Beer iska abuuro, si aad lo,o ugu gadato.

Been hawaas halkaas ayuu ka bilaabay fikir ah in uu Beer tabcado, laakiin wuxuu ahaa nin sheeko badan tacabkiisa oo dhana waxaa lumin jiray sheeko badni, oo ahayd tuu la qaban waayey reerkoodii iyo noloshii ay haysteen.

Been-hawaas kolkuu roobkii gugga ee ugu horeeya da,ay ayuu meel dooxa oo warawday abuurtay. Sida la sheegay Been-hawaas, beerta waxaa ugu dambaysay maalintii uu abuuray dibna uguma noqon. Mudo shan bilood ah markay ka soo wareegtay, ayuu kiiyoo socda u yimid Adeerkii, kolkaa ayuu Adeerkii waydiiyey war beertii maxaa kaaga go,ay.

Adeer waxaan kaaga sheekayn waxa dhacay ee ardaaga ina fadhiisi Been-hawaas, Adeerkiibaa yidhi aan makhribaka tukadee ii kaadi, Been-hawaas oo fudayd lagu bartay baa yidhi intaada makhribka tukanayid baan soo noqon, maya i sug Adeerkii baa yidhi.  Salaadii ka dib, Adeerkii baa soo doonayeystay, isaga oo doonaya bal in uu helo wax uu ka helay tabicii uu galay Been-hawaas.

Adeer, hawl baa i dishay ilaa maalintaan abuuray beerta Kabaray ka celintan bilaabay, falidii iyo ilaa kolkay bislaatay maalinba maalin siday iigu dhiibaysay ayaan ku bisleeyey beertii. Adeerkiibaa yidhi; fariid, Beer lagama maqnaan karo isaga oo baray maahmaahda “qori beereed iyo qandhuur haween midna lagama fogaado, ” beerta hadaa ka maqanaato way bi,i ama xoolaa cuni, bilcanta hadaad ka maqnaato dhashaa ku baaqan, waa sida dhaqanku ahaan jiray, in kasta oo xilyadan dambe aan ilmo badanba dadka qaarkiis u baahnayn.

Been-hawaas oo sheekadii beerta sii wada ayaa yidhi, markay bislaatay ayaa waxaa ii yimid wiil Abtigay dhalay oo wax doon ah, kolaas ayaan ku idhi war biyaan ceelka ka soo qaadane beerta shimbirta ka sii celi. Kolkaan dhexda soo socdo aniga oo biyihii wada, ayaa waxaa iga horyimid wiilkii oo qayla ah, waxaan idhi maxaa dhacay, wuxuu igu yidhi beertii way diday! Adeerkiibaa yidhi war ma beerbaa dida Adeer!

Been-hawaas oo sheekadii sii wada ayaa yidhi, Adeer waan daba orday beertii, waxaanan ul la gaadhay xabadii u yaraday oo Juujuula ahayd. Waxaanan ka sameeyey karoor wayn oo Eebahay uun ogyahay waynankiisa. Adeerkiis baa yidhi war ma Xabad Juujuula ah baad karoor ka samaysay!

Been-hawaas oo sheekadii sii wada ayaa yidhi, waxaan doontay rag karoorka ila tuma, waxaana iigu dhawaa reer deganaa degta kale ee toga. Kolkaan dhaxda sii socdo oo aanan wali reerkii gaadhin, ayaa waxaan la kulmay, Injir maro saddex dhudood ah qabta, oo boqor iyo dhacale guduudan oo aanan waligay arag xidhan oo kolka ay talaabsatana bororku raacayo lugaheeda kolba miday qaado, bafto labo dhudood ahna garabka u saaran tahay, oo maroodi dhaysan dhagta jiidaysa oo leh Hintifaayoow ii soo riix. Adeerkii baa yidhi war ma Injir baa mara sadddex dhudood ah qaadi karta!

 

Hakaas ha inoo joogto maanta la soco qaybta 3aad ee sheekada.